Wednesday, June 19th, 2013

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo iskaga baxay shirka odayaasha dhaqanka.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah nabadoonada saameynta weyn ku leh odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye isla markaasna ah gudoomiyaha gudiga odayaasha dhaqanka beelahaas ayaa sheegay inuu iskaga baxay shirka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed magaalada Muqdisho.

Nabadoonka ayaa sheegay in odayaasha dhaqankah aanay wax awood ahi ku lahayn arimaha dastuurka qaladaadyana uu leeyahay dastuurka oo uu sheegay in sidoo kale odayaasha dhaqanka sawiro in laga qaato mooyee awood ay wax ku saxaan aanay lahayn “Adeer shirka waxaa uga baxay waxaa la fadhiyay muddo badan, dastuurka la wado waxyaabo badan oo ka qaldan ayaa jiraan, awood aan ku saxno ma laheyn, waxaa nala yiri idinka wax ma sixi kartiin, markii dambe waxaa u saarnay gudi 15-ka kooban, gudigaas waxay soo diyaariyeen in dhowr qaladaad oo masiirka umada aan lagu aamini karin, markii aan dhahnay dastuurka hala saxo waa nagala diiday”ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan xaad.

“Waa igula muuqan weyday inaan ka sii mid ahaadoi, odayaasha meesha sawir kaliya laga rabaa, wax awood iyo talo ay ku leeyihiin ma jirto, waxaan umada Soomaaliyed gudaha iyo dibad au cadeynayaa inaan ka baxay, wixii hada ka yimaadana aan ku lug laheyn”ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad

Dhanka kale, wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inay odayaal badan oo ka socda beelaha Hawiye ay iskaga baxeen shirka odayaasha dhaqanka uga socda magaaladaas kaasoo keeni kara inay dib u dhacaan wakhtiyadii loogu talagalay in Soomaaliya looga saaro xiliga kumeelgaarka.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply