Wednesday, June 19th, 2013

Nabadoon caan ka ahaa Kismaayo oo caawa lagu dilay magaaladaas.

Magaalada Kismaayo ayaa ay kooxo hubeysan waxa ay caawa fiidkii salaadii maqrib kadib dil ugu geysteen nabadoon caan ka ahaa magaaladaas.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh kaasoo lagu dilay xaafada Via Afmadow ee magaalada Kismaayo ayada oo ay markii dambena goobta ka baxsadeen dableydii dilka u geysatay nabadoonka.

Waxaa kacsan xaalada xaafada Via Afmadow ee uu dilku ka dhacay ayada oo ay halkaas gaareen markii dambe ciidamada kala gedisan ee ku sugan magaalada.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan tan iyo markii ay ciidamada huwantu la wareegeen gacan ku haynta magaaladaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply