Dabley aan heybtooda la garanayn ayaa goor dhow ku toogtay magaalada Beledweyne nabadoon caan ka ahaa magaalada iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.
Dableyda ayaa waxa ay toogasho ku dileen nabadoon Barre Maxamed Xalane oo caan ka ahaa magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.
Markii uu dilka dhacay kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada dowlada Soomaaliya balse waxaa goobta durba ka baxsaday raggii hubeysnaa ee dilka u geystay nabadoonka.
Amaanka magaalada Beledweyne ayaa iska fiicnaa maalmihii ugu dambeeyay ayada oo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti iyo weliba kuwa Itoobiya xooga saareen adkeynta amaanka guud ee magaalada.
Baidaoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com