Wednesday, June 19th, 2013

Muxuu kusoo idlaaday shirkii xalay ee guriga xildhibaanada Fowziya ka dhacay?

Sida aan horayba idiiku ballan qaadnay waxaan idiinsoo gudbinaynaa natiijadii kulan ay xalay iskugu yimaadeen malaaqyada ku xiran Shariif Xasan iyo ergay ka socotay prof Jawaari oo ah qofka loo badinayo inuu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay guriga xildhibaanada Fowziya ayada oo aysan kasoo qayb gelin Shariif Xasan iyo Prof  Mohamed Osmaan Jawaari midkoodna, shirkaan ayaa ujeedada ugu weyn ee laga lahaa uu ahaa in prof Jawaari uu ka haro damaca kaga jiro kursiga gudoomiyaha baarlamaanka si ay ugu fududaato Shariif Xasan inuu ugu yaraan haduu madaxweyne noqon waayo raisalwasaare ka noqdo dowlada ay Soomaaliya yeelan doonto 20 Agosto wixii ka dambeeyo.

Maxaa dhacay hadaba?

Markii ay ergaydii isku timid ayaa waxaa si gaar ah looga codsaday beesha uu kasoo jeedo prof Jawaari ee Eelaay inay ka dhaadhiciyaan Jawaari inuu ka tanaasulo rabitaankiisa ah inuu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka cusub balse ergaydii ka socotay prof Jawaari ayaan taas ballan qaadin isla markaasna sheegay inuu Mohamed Osmaan  Jawaari yahay muwaadin Soomaaliyeed, waxna dooran karo waana la dooran karo.

Halkaas waxaa mar kale ku fashilmay isku daygii Shariif Xasan ee ahaa inuu ka hor istaago prof Jawaari rabitaankiisa gudoomiyanimada baarlamaanka ayada oo ay hada soo baxayaan beelo beelo badan oo ka tirsan Digil iyo Mirifle oo taageero u muujiyay Prof Jawaari si ay iskaga hor leexiyaan Shariif Xasan oo ay u arkaan caqabad beel weynta Digil iyo Mirifle ku hor gudban.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


2 Responses to Muxuu kusoo idlaaday shirkii xalay ee guriga xildhibaanada Fowziya ka dhacay?

  1. bashiir cali aadan [bashiir cali wareer] says:

    scw dhamaan digil iyo mirifle gaar ahaan dhalinyarada jecel jiritaanka digil iyo mirifle hadii shalay xaqaaaga lagaa afduubtey ama dadnimadaada laqariyey maanta waxaa jaanis u heystaa caalima aqoon uleh wadani daacad ah danta iyo dadnimada yaqaano dulmi aan lagu baran daahir ka ah dan gaar dantiisa tahay digil iyo mirifle oo dadka waxlaqeebsada adna dadnimadaada digil iyo miriflow waxey kujirtaa adoo jawaari lajaar noqoto si aad ujirto lajaar noqo jawaari

  2. bashiir cali aadan [bashiir cali wareer] says:

    u codeey jawaari u codeey naftaada dadnimadada aqoonso xaq iyo baadil kala dooro dulmiga iska diid afduub ha aqbalin hagadanin codgaaga dantaada garo pro jawaari lajir waligaa

Leave a Reply