Monday, May 20th, 2013

Muuse Suudi, ” Hadaan Dastuurka cusub ogolaano waxaa na qabsanayo Shiinees”

Ayada oo ay dhawaanahaanba isasoo tareysay diidmada ka dhanka ah dastuurka qabyo qoraaleedka ah ee lagu wado in lagu ansaxiyo magaalada Muqdisho bishaan aan kujirno ee April, ayaa hadana waxaa si weyn ugasoo horjeestay dastuurkaan qaar kamid ah oday dhaqameedyada Soomaaliyeed, siyaasiyiin hore, aqoonyahano, qurbajoogta iyo welib axildhibaano kujira dowlada KMG Soomaaliya.

Hadaba xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah dadka kasoo horjeestay dastuurka cusub ayaa waxa uu sheegay in haddii la ogolaado dastuurka cusub ay Shiineeska qabsan doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxa uu sheegay in qodokba oranaya ” Qofkasta oo ajnabi ah ee ku sugnaada Soomaaliya mudo 5 sano ah waxa uu noqonayaa muwaadin” ay Shiineesku qabsadn doonaan dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay dadkiisu yihiin toban milyan 10 000 0000 haddii ay boqol milyan oo Shiinees ah 100 000 000 ku sugnaadaan Soomaaliya ay kala wareegi doonaan Soomaalida dalkooda.

Hadalka xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa imanaya ayada oo ay heer geba gebo ah mareyso soo xulitaanka ergadii wax ka ansaxin lahayd dastuurka cusub oo ay Soomaali badan ka biyo diidsanyihiin.

Dhanka kale Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha cade) oo isna ka hadlayay aragtidiisa ku aadan dastuurka cusub ayaa si weyn ugasoo horjeestay isaga oo sheegay in dastuurka cusub uu sadex sheeyba u reebin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, 1. Diin ahaan, 2. Dadnimo ahaan iyo weliba 3. Dalnimo ahaan.

Dastuurka cusub qodobada kujiro ayaa waxaa kamid ah qodob oranaya ” Madaxweynuhu waa inuu ahaadaa mid xushmad u haya diinta Islaamka” taasoo dad badani ay u fasirteen in madaxweynuhu uu noqon karo qof aan Muslim ahayn balse xushmeynaya diinta Islaamka.

Yuusuf Indhacade ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu leeyahay dastuur loona baahanyahay in kaas dib loogu noqdo lana isticmaalo.

Sikastaba ha ahaatee, ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa ku sheegay dadka kasoo horjeedo dastuurka cusub hogaamiyekooxeedyadii hore iyo qas wadayaal.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


2 Responses to Muuse Suudi, ” Hadaan Dastuurka cusub ogolaano waxaa na qabsanayo Shiinees”

  1. ali says:

    muusoow adigaba waad is ogtahay waxaad sameysay maad iska aamustid somali waa ay igaraneysaaye marbaana lawada xisaabtami doonaa in SHA ALLAH

    • Warsame Ali says:

      walaal arintu muuse ma taagna, kuna beel maahi muuse balse ogow in dastuur kani loo sameeyey in somali lagu maja-xaabiyo marka aad eegto waxa ku qoran.
      dalka somalia dastuur 1960 kii la qoray buu leeyahay mana dhicin (expire), wax badan buuna ka duwan yahay kan maanta ay wadaan kuwa shisheeyaha u shaqeeya amaba maangaabka ah. Kolka aan is weydiino dadkii loogu tegey Dalka maanta la yiraahdo Mareykan (Red Indian), iyo kuwii loogu tegey dalka ay deganaayeen ee Australia waxa ciribtoodu noqotey. Hadalkeyga waxan kusoo gaabiyey haka aamusin runta, Xisaabtan maanta intaad fursada heyso hadii kale heeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee!

Leave a Reply