Afhayeen u hadlay raisalwasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa shalay oo Jimce ahayd ayaa sheegay inay bulshooyinka Muslimiinta iyo kuwa Yahuuda ah ee ku nool dalka Jarmalka u madax banaanyihiin inay gudaan carruurtooda wiilasha ah inkastoo ay horay maxkamad u mamnuucday arintaas.
” Qofkasta oo ku jira dowlada waa ay u caddahay innaan u baahanahay diimaha Islaamka iyo Yahuuda” sidaas waxaa yiri Steffen Seibert oo ah afhayeenka u hadlay raisalwasaaraha dalka Jarmalka, haweenayda lagu magacaabo Angela Merkel.
Dhacdada ay kutimid inay maxkamad ku taalo dalka Jarmalka mamnuucdo guditaanka carruurta wiilasha ah ayaa ahayd kadib markii wiil yar oo uu dhiig ka socdo loo geeyay dkakhtar kadib markii lasoo guday taasoo keentay inay maxkamadu ku dhawaaqdo in guditaanku mamnuuc yahay islamarkaasna keliya wiilasha marka ay weynaadaan ee ay ayaga raali ka noqdaan la gudi karo.
” Waan ognahay, go’aan deg deg ah ayaa loo baahanyahay, dibna looma dhigi karo. Xoriyada xaga diinta waa mid sharciyan xaq ah” sidaas waxaa yiri afhayeenka u hadlay raisalwasaaraha xukuumada dalka Jarmalka Angela Merkel.
Tirada shacabka dalka Jarmalka ayaa ah 82 milyan halka magaalada Cologne ee ay maxkamada ku taalo mamnuucday guditaanka wiilasha ku nool yihiin 120 ooo boqol iyo labaatan kun oo Muslimiin ah.
Madaxa shirka raabiyada/wadaadada Yahuuda ayaa ku booriyay dadka Yahuuda ah ee ku dhaqan dalka Jarmalka inay sii wadaan guditaanka wiilasha kasokow mamnuucida maxkamada ku taalo magaalada Cologne.
Dalka Jarmalka waxaa ku dhaqan 4 milyan oo Muslimiin ah oo asalkooda kasoo jeeda dalka Turkiga halka sidoo kalena ay ku dhaqan yihiin 120 000 boqol iyo labaatan kun oo Yahuud ah.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com