Gudiga doorashada madaxweynanimada ayaa maanta waxaa soo gaaray codsiyada ilaa iyo 22 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Musharaxiinta ayaa la siiyay foomamka ay kusoo buuxinayaan musharaxnimadooda iyo taariikh nololeedkooda ayaga oo akoon ka dhex furan bankiga dhexana la siiyay si ay ugusoo shubaan lacag dhan 10 000 musharaxiiba.
Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim, afhayeenka gudiga doorashada ayaa ka hadlay musharaxiinta qaadatay foomamka.
“22-Musharax ayaa qaatay Foomamka, musharax kasta waxaa uu buuxinayaa, warqada ugu horeysa 20-ka xilshibaan ee soo jeedineysa,m waxay qaateen warqad ay ku qoran tahay shuruudaha, dhamaan musharaxiinta waxay ku shubayaan Akoonka Bandhiga dhexe ee Tirsigiisa yahay 795, kadibna Risiitka ayay soo qaadanayaan, Foomkii ay buuxiyeen ayay dib u soo celinayaan”ayuu yiri Afhayeenka Gudiga doorashada Cismaan Libaax.
Xilka madaxweynanimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa u taagan musharaxiin fara badan ayada oo ugu dambeyntiina uu kusoo bixi doono hal musharax oo aan la ogeyn ilaa iyo hada midka uu yahay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com