Tuesday, May 21st, 2013

Musharax Prof. Jawaari oo maanta shir la leh xildhibaanada cusub

Xidlhibaan musharax Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo u taagan xilka guddoonka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxa uu hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho kulan kula leeyahay maanta qaar kamid ah xildhibaanada cusub ee baarlamaanka cusub si uu kala hadlo inay kalsoonidooda siiyaan.

Kulanlaan oo ah mid heer sare ah si wanaagsana loosoo agaasimay ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee  uu Prof Jawaari la yeesho xildhibaanada cusub tan iyo markii uu iskusoo taagay xilka gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

FILO GOOR DHOW SAWIRADA IYO NATIIJADA KULANKAAS HADUU ILLAAH IDMO.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Musharax Prof. Jawaari oo maanta shir la leh xildhibaanada cusub

  1. ALLAA WEYN says:

    ASC,

    WAR KUWA SHARIIIF SAKIIN RABA INUU HOGAAMIYO, WAA DAD WEEL DALOOLA BIYO KU SHUBAAYO. WAR SIDEED ISKULA MEEL DHIGTEEN, NIN WAX GARAD AH, IYO QOF AAN WAXBO GARANEYNIN, OO AAN AHEYN LAALUUSH, BOOBKA DADWEYNAHA, IYO BURBURKA DIGIL IYO MIRIFLE.

    TAN KALE, XILDHIBAANADA UU SHARIIF BAARLAMAANKA LAALUUSHKA KU SOO XULAY, IYO DHAMAAN ODEYDHAQANEEDYADEENA UU LACAGTA KU IIBSADEY, ALLA HA U TOOWBA KEENAAN, WAAYO, WAXEY QIYAAMEEN DHAMAAN SHARAFTII DIGIL IYO MIRIFLE, WAR TOWBADA WAA FURANTAHEY, EE TOWBA KEENA. TAAGEERA KAN AQOONTA LEH, KANA AAN WAX GARANEYNIN WAA DANEYSTE BERITO SIDII XOOLAHII IDIN IIBSANDOONO MARLABAAD.

    Waxaan la yaabeym nin aqoon leh, oo haddana sidii xoolaha oo kale, nin aan waxbo garaneynin ka amarqaadaanaayo. War aduunyoow wax walbo arag.

    PROF Jawaareey GUUL. ALLA HA KUULA GARABGALO.

Leave a Reply