Waxaa si toos ah uga socota magaalada Muqdisho gaar ahaan Iskoola Pluzio munaasabada caleemasaarka madaxweyanaha cusub ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xaflada ayaa waxaa goobjoog ka ah madaxweynaha Jabuuti Cismaaciil Cumar Geele, raisalwasaare kuxigeenka Turkiga, raisalwasaaraha Itoobiya, madax iyo masuuliyiin ka kala socota urur goboleedka Igad, dalka Qatar, ururka Islaamka, midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Qaramada midoobay.
Xaflada ayaa waxaa hada heeso wadani iyo mahadnaq ah ka qaadayo kooxda Heegan ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayada oo ay weli dhimanyihiin khudbadaha masuuliyiinta.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com