Dhan waliba neecaw qabow ayaa ka soo udgeysa, dhawaqyo qalbigu muhanayo ayaa dhegaha ku soo dhacaya, muuqaalo dhaayaha u roon, kol ay tahay lammaanayaal dhabacaada, hirar dhedo seyraya, hawo macaan badan iyo jawi fiicnaantiisa aan la qiyaasi karin ayaa waxay durba qiiro galinayaan nafta.
Deganaanta goobta ay la gaarka tahay, ildoogsiga iyo naxariista durba kugu soo degeysa waxaa Liido u dheer in uu hilow deg deg ah ku galayo, amaba uu laabta kaa damqayo nabarka kalgacal ee kugu raagay, haddii aadan markaas la socon lammaanahaagii nolosha (Xaaskaaga).
Waa hubanti in aad xusuus galeyso oo daqiiqadaha ugu horeeya marka aad Liido timaado aad jecleysanayso in aan lagula hadlin si aad keligaa qalbigaaga ula sheekeysato, keydka xusuustaada dib ugu milicsato iyadoo aanay qofba ku qaseyn.
Aniga qudheydu niyadda ayaan iskala faqay markii aan imidba, is cajabinta waxaa ii dheeraa muusood iyo qosol aan qof gooni ah loola jeedin, mararka qaarna waxaan u dhoola cadeynayey qof aan meesha joogin balse raxmadda igu soo degatay ee Liido u gaarka ah darteed uu humaageeda iiga muuqanayey meel shishe oo biyaha sare dushooda ah, kuna teetsan badda iyo cirka is qabadkooda (horizon).
Hadba waxaa qalbigaaga ku soo dhacaya inta aad suugaanta kala gedisan ka xafidsan tahay, waxaadna galaysaa badweyn su’aalo ah oo qalbigaaga dhexdiisa iyaga uun isku weydaaraya misena aadan jawaab deg deg ah u heli karin, kuwaas oo kaa keeni kara inaad wax uun suugaan ah ka tiraahdo marxalada aad ku jirto ee muhashada Liido.
Wejiyo wada faraxsan, dad wada dhoola cadeynaya, dhalin kubbad wada ciyaareysa, hablo keligood dhulka iyo hirarka la faqaya, waayeelo caajis iyo kor xanuun la dagaashan, kuwo il iyo cayuumanaas iska meeraya iyo kuwo qumayo reebayaba waxaa lagu wada mashquul yahay xeebtan quruxda iyo qiimaha badan, inta daruufaha jaceyl la tacaalaysana bad ka weyn tan aan hortaagan nahay ayey ku jiraane lama heystaan waxa xeebta ka dhacaya.
Waa hubanti in ay Liido tahay goob bilicda dadka miisaanta, qof walbana marka uu soo dhex istaago ayuu qurux dheeri ah iyo heybad gaar ahaaneed la soo baxaa. Qofkii indho caashaq lagu eego isagoo Liido joogana waa hibo gooni ah oo eebe siiyee ha iska qarsado, yuusan iska sheegin si aan looga cayuumin.
Waxaase mudnaan gaar ah iyo maamuusba mudan qoftii iyadoo goobtaas ka maqan inta loo muhaday, maamuus dartiis magaceeda loogu qoray ciida dahabiga ah ee Liido ee aaney dhaayuhu ka daalin.
Hubanti waxaan u hayaa in ay meeshu tahay meel maamuus jaceyl u diyaarsan, udgoonka iyo deganaantana ay u yihiin deyd ama gidaar, nabadda lagu dekeynaya ay wehliso farxad dabiici ah iyo kalsooni.
Waa meel ay durba kugu maaxaneyso muxibadda kalgacalka haddii aadan aheyn qof qalbi maran oo aaney dararta caashaqu qaban.
In Liido ay tahay goobaha dalxiiska iyo geyiga meesha ugu wacan waxaa ka markhaati kacaya farxadda saaran wejiyada dadka meesha isugu yimid ee leh waayeel, caruur iyo lammaanayaal, iyadoo xitaa mucaashaqiinta diihaalka caashaqa la tacaalaya ee ay saameysay dhagarta jaceylkana ay wejiyadooda nuurayaan xitaa haddii qalbigooda uusan deganeyn.
Geedka caashaqa ee ka baxay Liido hoobaantiisa ma ahan mid la dhameyn karo, cid walba ee timaadana way ka heshaa in ku filan oo ay ka dheregto, waxaana lagala laabtaa farxad iyo xiise, lagamana xiiso.
Haddaba aqriste adiga iyo yeelkaa. Aniga ubixii jaceylka ee udgoonka badnaa waxaan aqal-Nasiino ku macaan Xeebta Liido ugaga aasaas dhigay midda aan Xeebta Liido magaceeda ku xardhay ee aan dunida ugu jeclahay, waa Anfac Amiin, oo aan salaan hilow iyo muhasho xambaarsan u raaciyey hirarkii caashaqa kuwoodii u jiheystay dhanka waqooyiga Yurub.
Sida uu abwaan hore yiri, Xeebtan Liido qofkii iska soo fadhiisto ee in yer ku dhex fekera waxaa ku soo degeysa dabeyl raxmadeed oo ka keeni karta inuu tiriyo suugaan dabiici ah xitaa haddii uusan qofkaasi aheyn suugaan yahan.
Markii aan Liido imid ee ugu horeysay burburkii dowladii Somalia kaddib, waxay aheyd bishii October 2011, xilli in la yimaado Liido aysan suurto gal aheyn nabadgelyada oo aad u liidatay awgeed iyo ugaarsiga lagu hayey inta bulshada ka dhex muuqata ee ay saxafiyiintu ka mid yihiin.
Waxaan Liido ku nimid tiro aad u yar oo asxaab ah, dadweynahana xiisaha ay u hayaan Xeebtan Liido waxaa ka hortaagnaa cabsi iyo welwel. In aan Liido nimid oo aan ku soo dabaalanay xilligaas waxay la mid aheyd isbiimeyn, balse maanta Alle mahadiise waa meel aan wax cabsi ahi ka jirin oo amnigeedii la sugay, jawiguna cuddoon yahay.
Seddax goor ayaan ooyey oo aan ilmeeyey, qalbigeygana waxaa ka qubatay illin murugo, mid farxadeed iyo mid raxmadeed intaba.
Waxaan xeebta ka soo galay meel yara degelka ku heysa baarkii caanka ahaa ee Baar Liido, kaas oo rugtii uu ku ooli jiray qof og mooyee aan wax raad ah oo sidaasi u buuran ka harin.
Inta aanay hirarka badda iyo mowjadaha caashaqa i laab qaadin ayaan salka dhigtay biyaha qarkooda waxaana qooraansaday dhanka dhismayaashii xeebta ku teedsanaa mise raadad burbur ah mooyee wax dhisme ah oo taagan ayaan ka waayey.
Walow Liido aan loo kala harin, kumanaanka dadka ah ee meesha yimidna uu qof walbaa naftiisa ama tan lammaanihiisa dadka miyirka qaba ee wax la weydiin karaana ay meesha ku yeraayeen, waxaa jiray tiro aan badneyn oo xiskoodu u qeybsami karay inay Liido muhadaan iyo in ay hawlaha caadiga ah dareen u yeeshaan.
Waxaan la kulmay Abwaan Cismaan Cabdulaahi Guure, oo xeebta fadhiya, misena mar quruxda dadka daawanaya, mar hirarka caashaqa la tagayaan, marna intuu dib u qooraansanayo bud dhiga dhexe ee neecawda Liido.
Sida inuu werdinayo ayuu wuxuu ku celcelinayey ereyadan ay ka keentay xiisaha Liido:
Xamar iyo Xeebta Liido,
Nabad inaan ku xashaashno,
Xiisaan u qabnaaye,
Ha jabo xaasidkaan rabin.
Wuxuuna ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay sidan “Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa nabad iyo is jaceyl, iyo in ay ka faa’iideystaan raxmadaha EEBE siiyey ee ay Liido ka mid tahay, cid walba ee aan nabad iyo is jaceyl dooneynna ha iska celiyaan”
Keligey ayaan goob dadka ka yara baxsan is geeyey si aan bal isu wareysto oo aan nafta ula shooro. Aristocrat-ba ma jeclayn in uu qof la hadlo isagoo xusuus ku jiree anigana waxaan jecleysanayey in uusan qofba ii imaan inta aan kala shoor iyo xusuus boganayo.
Habeen dhoweyd oo Jimce ahaa ayaan sidan habeenkii oo dhan u joogay Sweden, misena Ayuub u ciyaarsiinayey ayaan subixii ka soo kacay qol ku dhex yaala Taleex, waa yaab, waan is hiifay, waayo sida barbaar isagoo ciyaar tumanaya roob ku yimid kaddibna goobtii ka burburiyey ayay riyadeydii iiga burbutay.
Markiiba aan asaraarta saaray in aan keligey ahay, oo aanan Sweden joogine Taleex oo Muqdisho ah joogo ayaan go’aansaday in aan u dhaqaaqo dhankaas iyo dhulka meesha ugu udgoon, dhaayo qabadka ugu qurxoon, dhaawacyada caashaqana, halka lagu dhayee u wacan, dhabeeshii xeebehee, dhulkeenii ugu bilneyd. Hadde waa Liido.
Haaheey, wallee keligey ayaan isla faqay, bal adigaba sheeg waxaan ku faqay!!! Hahahahaa, waa la iska ogyahay in ay mowjaduhu i qaadeene, bal maxaan keligey is lahaa, ila aragba:
Anfac aragtidaadaan
Ku ildoogsadaayoo
Haddii aan ku eegana
Onkodkii jaceylkaa
Igu soo hilaacee
Udgoon badan wanaageey
Ubax iyo ugbaadeey
Aasaaskeyga noloshaad
Udub dhexaad u tahaye
Waan ku abshireystaa
Asluub badan wanaageey
Adaa igu abuuray
Aramida aceylkee
Aayar Liido soo gaar
Utintu ha i deysee.
Lammaanaha ugu nasiibka badani waxay ahaayeen kuwa iyagoo ubadkoodii wata biyaha hadba dhinac ula dheelinayey, kuwo aan iyaga ka dhicinna waxay wada saarteen heestii “Doontii caashaqaa diyaar noo ehee, Dabaal waan aqaan Dushey soo koree” qaarna Xeebtani kumanaanka dadka ahi marayaan ayay sida meel cidlo ah nafta gooni ula faqaayaan. Qofba gooni isula shoor, wixii haayey isu sheeg, sharaf meel u dhabacaal.
Faa’iidooyinka Xeebta Liido kuma sinna oo keliya midan macnawiga ah ee ruuxda iyo jaceylka la xiriirta oo meeshu waa meel aad ugu wanaagsan ganacsiga iyo deegaanka, waxay ku wanaagsan tahay baararka iyo hoteelada, waa goob qofkii hotel raaxo ah ka sameystaa inay hoteelkiisa isku garbin doonaa mucaashaqiin dhaymo jaceyl u jeel qaba oo hiigsanaya xeebta Liido.
Xeebta Liido waxaa joogisteeda bilaya, qalbigaaga xeesaha ku xoojinaya waa bajiyaha, Jalaatada, cabitaanada iyo miraha beeraheena ka soo go’ay ee meeshaasi loo iibkeeno, sida cambaha, mooska, liinta iyo isbaandheeska.
Bal adiguna si aad dhaawaca jaceylka dhaymo ugu hesho, wixii dhagar caashaq ku soo marayna aad dhab uga bogsooto, mar uun dhex istaag xeebta Liido, hubanti in aad kala soo laaban doonto taariikh aad ka sheekeyso oo aad u weyn, taas oo isugu jirto maadi iyo macnawi.
Wixii talo bixin ah ku soo dir Abukar.albadri@gmail.com









Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com