Monday, May 20th, 2013

Mudanayaasha baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ogolaaday raisalwasaare Saacid.

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon, Saacid.

Kulanka Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen 215-mudane ayaa waxaa hadal ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga hadlay qorsho howleedkiisa iyo Xukuumada uu soo dhisayo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo magacaabay wada tashi, isla markaana uu rajeynayo in Xukuumada la soo dhisi doono ay noqoto mid wax ka qabata arrimo badan.

Intaas kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa weydiistay Xildhibaanada inay cod u qaadeen, iyadoo Xildhibaanada ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyaan Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shir-doon.

Ansaxinta ay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya maanta ansaxiyeen raisalwasaaranimada raisalwasaaraha cusub ayaa waxa ay soo de dejinaysaa dhismaha xukuumad cusub oo ay diyaarinteeda iska kaashanayeen dhawaanahaanba masuuliyiinta sare ee dowlada Soomaaliya.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply