Wednesday, May 22nd, 2013

Mudaaharaad ballaaran oo saakay ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.(Daawo Sawirada)

Mudaharaad ballaaran ayaa saakay waxa uu ka dhacay xaafada Soomaalidu ku badantahay ee magaalada Nairobi ee Islii.

Mudaaharaadka oo ay soo qaban qaabiyeen ganacsatada ku ganacsata Islii ayaa waxaa kasoo qayb galay dad badan oo Soomaali ah kadib markii dhac loo geystay qaar kamid ah goobaha ganacsi ee xaafada Islii sida uu baidoamedia u sheegay mid kamid ah ganacsatada suuqa Islii ee Soomaalida ah laguna magacaabo Cabdi Cali

Saakay subixii hore ayay ahayd markii la jabsaday goob ganacsi oo lagu magacaabo Maash kaasoo kamid ah moolalka Soomaalida ay ku leedahay ganacsiyada kala duwan.

Xildhibaan Yuusuf Hasan Abdi oo lagasoo doorto degmada Kaama kunji ee ay xaafada Isliina katirsantahay ayaa waxa uu halkaasi kula hadley Somalidii iskusoo baxday isaga oo u sheegay in suuqa Islii loo sameynayo ciidan qaas ah oo ilaaliyo.

Husni Hassan

Baidoa media, Nairobi, Kenya.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply