Thursday, June 20th, 2013

Mudaaharaad ballaaran oo goor dhow kusoo idlaaday magaalada Afgooye.

Waxaa goor dhow kusoo gaba gaboobay banaanbax ballaaran oo ka dhan ah wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samada Macallin Maxamuud.

Banaanbaxa ayaa waxa uu ahaa mid ay dadka degmada Afgooye kaga cabanayeen xaqdaro ah maamulka gobolka Sh/hoose  taasoo uu ku hayo wasiirka arimaha gudaha oo qofkii 11aad ee ay isku hayb yihiin oo uu gobolka usoo magacaabay.

Dadka reer Afgooye ayaa ka cabanaya in dadkii gobolka u dhashay maamulka gobolka ay tiro aad u yar ku leeyihiin halka dad aan gobolka u dhalana tiro aad u badan ku leeyihiin.

15 kamid ah xubnaha maamulka gobolka Sh/hoose ayaa kasoo jeedo beelaha Hawiye ayada oo ay 11 kamid ah 15kaasna isku haybyihiin wasiirka arimaha gudaha kanasoo jeedaan beesha Habargidir, 4 kamid ah xubnaha gobolka Sh/hoose ayaa kasoo jeedo dadkii gobolka u badnaa ee reer Aw Digil halka 1 xubina ay kasoo jeedo beesha Biyamaal ee Direed.

Waxaa la qaban qaabinayaa banaanbax ballaaran oo ay dadka gobolka Sh/hoose ka dhigi doonaan inta badan degmooyinka gobolkaas ayaga oo ku muujin doona cabashadooda.

Banaanbixii maanta oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u fara badan kana kala socday xaafaha kala duwan ee degmada Afgooye ayaa si nabadgelyo ah kusoo dhamaaday.

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply