Mucaaradka Suuriya oo ku guuleystay aqoonsiga in ka badan 100 dal.

Golaha qaranka Suuriya oo ay ku mideysanyihiin kooxaha kala gedisan ee mucaaradka dalkaas ayaa maanta oo Arbaca ah ku guuleystay aqoonsiga siyaasadeed ee in ka badan 100 dal kuwaasoo shir ku yeeshay magaalada Marakash ee ku taala dalka Morocco.

Aqoonsiga uu maanta helay isbaheysiga mucaaradka Suuriya ayaa waxa uu ka dhiganyahay taageero maaliyadeed iyo kaalmo kale oo dheeraad ah oo ay helaan.

Ayada oo uu isbaheysiga mucaaradka Suuriya soo dhaweyeeyay aqoonsiga ayaa ay hadana kooxaha mucaaradka dalbadeen taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo la taaban karo iyo in masuuliyiinta xukuumada Bashar Al-Asad la hor keeno maxkamada dembiyada dagaalka caalamiga ah.

Ma muuqato in faragelin milatari lagu sameeyo dalka

order propecia online cheap

ric viagra online'>generic viagra onlineSuuriya sidii horayba uga dhacday dalka Libya oo xukunka lagaga tuuray madaxweynihii geeriyooday ee dalkaas Mucamar Al-Qadaafi, Suuriya waxa ay taageero buuxda ka haysataa dalalka Shiinaha, Iran iyo Ruushka oo diidan in faragelin ciidan lagu sameeyo dalkaas.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay shirka maanta ka dhacay Morocco ayaa waxaa lagaga digay xukuumada Suuriya inay adeegsato hubka kiimikada ah taasoo laga bixin doono jawaab caalami ah.

Dhanka kale, hadalka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in xukuumada madaxweyne Bashar Al-Asad ay dhumisay xalaalnimadeedii iyo wakiilnimadii ay ka ahayd shacabka reer Suuriya.

Isbaheysiga mucaaradka Suuriya ayaa laga yaabaa inay helaan taageero xaga ciidanka ah taasoo micnaheedu yahay in laga yaabo inay helaan hub.

'' Waxaan u maleynayaa in dhamaan shirarkii aan horay u yeelanay ka saaxiibada Suuriya ahaan uu midkani ugu muhiimsanyahay'' sidaas waxaa shirkii jaraa'id ee ugu dambeeyay ee kulankii maanta ka sheegay wasiirka arimaha dibada dalka Ingiriiska William Hague.

Baidoa media.

zp8497586rq
zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.