Mucaaradaka Suuriya oo aqoonsi ka helay dowlada Mareykanka.

<

Kooxaha mucaaradka dalka Suuriya oo dhawaan sameysatay urur ay kuwada midaysanyihiin ayaa waxa ay aqoonsi ka heleen dowlada Mareykanka oo kamid ah dowladaha ugu awooda badan caalamka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo la hadlayay telefshin laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegay inay u aqoonsanyihiin kooxda mucaaradka dalka Suuriya inay wakiil ka tahay dadka reer Suuriya.

Aqoonsiga ay kooxdaasi ka heshay dalka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili dhawaan la filayo in dalka Morroco ay shir ku yeeshaan dalalka laysku yiraahdo ''Saaxiibad

buy essay custom

a dadka Suuriya'' kuwaasoo la filayo inay aqoonsi dhanka  siyaasada ah siiyaan kooxda mucaaradka dalka Suuriya.

Dalalka la filayo inay wafuud usoo diraan shirkaas ayaa waxaa kamid ah Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo dalalka Khaliijka Carbeed.

Ilaa boqol dal ayaa la filayaa inay wufuud usoo dirsadaan shirka ka dhici doona magaalada Marakash ee dalka Morroco kaasoo taageero xaga siyaasada ah la filayo inay kooxda mucaaradka kaga hesho dalalka imaanay shirkaasl.

Isbuucyadii ugu dambeeyay ayay dagaalyahanada kooxda mucaaradka dalka Suuriya waxa ay ka gaareen guulo la taaban karo dagaaladii ay la galeen ciidamada xukuumada sii liicayso ee madaxweyne Bashar Al-Asad.

Dowlada Suuriya ayaa waxa ay saarantahay wadadii ay martay xukuumadii ay jaalka ahaayeen ee Libya madaxweynahana uu ka ahaa Mucamar Al-Qadaafi.

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.