Thursday, May 23rd, 2013

Mr. Ibraahim Xaaji Daahir: Kenya iyo IGAD wey ku qaldan yihiin u gacan gelinta Jubooyinka Qabiilo qaar !‏

Mudane Ibraahin Xaaji oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu cad-cad ee ku nool caasimada Khartoum ee dalka sudan ayaa eedeymo dusha kaga tuuray howlgalada ay ciidamada Kenya iyo urur goboleedka IGAD ay ku taageerayaan qabsashada ama lawareegida Jubooyinka sida qabaa’ilo qaar kuwaasoo  maalmahaani dambe ka waday dhaqdhaqaaqyo iyo maamul u sameynta goboladaasi.

Dhawaan ayey ahayd ka gadaal markii ay ciidamada Kenya iyo kuwa soomaalida  la wareegeen gacan ku haynta halkaasi, iyagoo kaga itaal roonaadeen xarakatul Shabaab  kuwaasi oo ka baxay kismaayo iyo goobo katirsan jubooyinka.

Waxaa isa soo taraayo kala qeybinta iyo iska hor keenida qabaa’ilada soomaaliya kuwaas oo wada daga ayaa hadane Kenya iyo IGAD ay ku doonayaan iney gacanta u geliyaan Jubbooyinka qabiil ama beel gaar ah waxaa sidaas yiri Ibraahim Xaji.

Hadalhaan kasoo yeeray siyaasigaan rug cadaaga ah misna ah muwaadin jecel in gobolada koonfur galbeedsoomaaliya ay mid ahaadaan , islamarkaane  ka biyo diidan kala magcaabiska gobolada ka tirsan koonfur galbeeed ayaa waxa uu imanaaya xili muran uu ka taaganyahay cida xukumeyso ama maamul u sameynayso magaalada Kismaayo.

Iyadoo aan la socono dhawaanahaan  ayaa waxaa la magacaabay maamul goboleed cusub oo layiraahdo jubba land kaasoo aan weli aqoonsi helin maadaama ay isku magacawday hal beel qura, sababaha iska cad ay doo nayaan IGAD iyo Kenya ayaa waxey tahay kala qeybinta 6da gobol misna wadaaga hal dowlad goboleed ee looyaqaano Koonfur Galbeed si ay meesha kaga saaraan isku duubnida maamulkani.

Mudane Ibraahim oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu baaq ujeediyay Kenya iyo IGAD iney faraha kala baxaan arinta ka taagan kismaayo iyo jubooyinka intaba, si ay uga wada xaajoodaan dadka (qabaa’ilada dagga) si meesha kaga baxdo dagaalo hor leh inuu ka dhasho  ayuu yiri.

Isku soo wada duuboo  beryahaan dambe ayaa waxaa soo kordhaya sheegasha kismaayo oo ah caasimada juubada hoose iyo beel walba  hada indhu ku soo wada eegaya ama ay ku doonayaanayaan iney iyaga lawareegaan isla markaane ay Kenya iyo IGAD gadaal kariixayaan si ay danahooda uga fushaan.

Ugu dambeyn ayaa Mr. Ibraahim Xaaji Daahir waxa uu baaq u diray madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soomaaliya inuu soo fara geliyo si uu wax ka qabto qorshaha guracan ee lagu doonayo burburinta shacabka reer Koonfur Galbeed.

 

Caadil Xaaji Cabdi

Caadil33@msn.com

Khartoum-Sudan

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply