Orodyahanka u dhashay dalka Ingiriiska balse kasoo jeedo dalka Soomaaliya, Maxamed Faarax ayaa wacdaro ka dhigay cayaaraha Olombikada ee ka socdo magaalada London.
Cayaar yahan Mo Farah ayaa kaalinta koowaad ka galay 10 000m tobanka kun ee mitir ee raga isaga oo ku guuleystay bilada dahabka ah halka uu horayna ugu haystay bilada dahabka ee 10 000 mitir ee caalamka.
Orodyahan u dhashay dalka Mareykanka ayaa kaalinta labaad galay halka orodyahan u dhashay dalka Itoobiyana uu galay kaalinta sadexaad.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com