Afhayeenka Ururka Midowga Suxufiyiinta Soomaaliyeed Mudane Liban Hussein oo ku hadlayey magaca Ururka ayaa wuxuu yiri ”ma ahan wax aan aqbali karno in maalin kasta la laayo weliba si isdaba joog ah garabkeena iyo gacalkeena Wariyaashii soomaaliyeed”.
”Waan cambaareyneynaa kuwii dilka u geystey wariye Jeemis waxaanu leenahay maamulka Gaalkacyo waa iney si dhaqsi ah u soo baaraan oo ay sharciga hor keenaan dembiiliyaashii dilkaasi wariyaha ka dambeeyey”,
Ururka SODJU wuxuu tacsiyo murugo iyo tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan saxafiyiinta soomaaliyeed gaar ahaan eheladii qaraabadii uu ka baxay Marxuumka waxaanu eebe Ugu Baryeynaa Anagoo isku duuban BAHDA SODJU Marxuumka inuu janadii Fardowso aheyd ka waraabiyo Aamiin.
Liban Hussein
afhayeenka ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed
ee SODJU
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com