bandhig si heer sara ah looso agaasimay aya waxa soo bandhigay midowga dhalinyarada shabelada hoose ( lower shabelle youth union ) ee qeebta sudan , dhalinyardaan oo dhamaan u dhalatay gobolka shabeelada hoose , ayaa dhamantooda waxa ay ku noolyihin dalka sudan magaalooyinkiisa kala duwan sida khartoum iyo meelo kale , hadana dhalinayaradas inta badan waxa ay ka bartaan dalka Sudan jaamacado , bandhigaas waxaa kasoo qeybgalay dhalinyaro badan oo ku kala nool gudaha wadanka sudan .
sidoo kale waxa madashaas jogay gadomiyaha ururka lower shabelle youth union ee qeebta sudan Abubakar Ahmed Haji Hassan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan isla ururkan lower shabelle youth union , waxaa kaloo ay meesha kusoo bandhigeen cayaaro hida iyo dhaqan ah , dhalinyaradaan ayaa aad u faraxsanaa waxaana meesha ka hadlay isla gadoomiyaha ururka qeebta sudan asigoo dareenkiisa farxadeed ee ku aadan ururkan ka muujiye meeshaas.
waxa kaloo ka hadlay arday badan oo aad ugu faraxsanaa inay heleen iftiinkii ay beryahanba sugayeen , dhalinyaradan aya jirin cid fangareysay ama dhaqaalo kusiisay inay qabsadaan barnamishkaan kaliya ay ku qabsadeen howshaan dhaqaalo ay ayaga iska aruuriyeen , ma jirto hay´ado tageero dhaqaale kusiyay howshan , mana jirto siyaasi garab ku siiyay howshan kaliya ayaga ayaa aas aastay ururkan howshaana qabsaday , waxa aas aaska ururkan lahaa ama kenay figradaan in la aas aaso ururkan ah lower shabelle youth union mahad haka gaartee walalkeena da´da yar (abuukar cali maxamed nuur siidi ) oo loo yaqaan abuukar yare waxa yiri gadoomiyaha ururka lower shabelle youth union qeebta sudan.
waxa kaloo uu meesha ka sheegay in uusan ururka kaliya ka dhisneen sudan ee uu ka dhisanyahay meelo badan sida swedan oo hada ka hor looga dhawaaqay ururka iyo wadama badan sida yeman italy iyo wadamo kale.
waxa kaalo isla goobtaa ka hadlay xoghayaha guud ee ururka qebtiisa sudan Abdullahi Ahmed Hassan waxa uuna ka sheegay in ay u tahay farxad iyo hormar dhamaan umada somaliyeed qaasatan kuwa u dhashay gobolka shabeelada hoose ayna tahay horumar lagu faani karo howshan wanagsan ay qabteen , waxa kaloo hadaladiisa ka mid ahaa in ay tahay howl ku dayasho mudan howshan wanagsan oo ay qabteen , wuxuu amaan iyo bogaadin usoo jeediyay aas aasaha ururkan oo ku sugan dalka swedan abuukar cali maxamednuur ( abuukar yare )
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com