LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Mid kamid ah oday dhaqameedyadii soo xulay baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay.

Waxaa magaalada Muqdisho caawa lagu dilay mid kamid ah oday dhaqameedyadii soo xulay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee dowlada federaalka.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Codey ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay ilaa sadex nin oo ku hubeysnaa bastoolado kuwaasoo goobta ka baxsaday markii ay dilka geyst

buy viagra no prescription

een kadib.

Marxuumka ayaa lagu dilay meel u dhow garaash uu ku lahaa xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa durba gaaray goobta uu falka dilka ah ka dhacay balse majirto cid ay usoo qabteen dilkaas welina waxaa socdo baaritaan.

Horay ayaa dilal loogu geystay oday dhaqameedyo katirsanaa kuwii wax ka ansaxiyay dastuurka cusub ee Soomaaliya soona xulay baarlamaanka ayada oo aysan jirin ilaalo gaar ah oo ay leeyihiin odayaasha dhaqanka.

Dhawaan ayay ahayd markii uu fare cididood kaga baxsaday rag doonayay inay khaarajiyaan mid kamid ah odayaasha soo xulay baarlamaanka.

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.