Waxaa xalay ay diyaarad keentay magaalada Addis ababa ee caasimada dalka Itoobiya meydkii raisalwasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo ku geeriyooday dalka Beljim kadib mudo bilooyin ah oo uu xanuunsanaa.
Kumanaan dadweynaha magaalada Addis ababa ah ayaa safnaa wadada dheer ee kasoo baxda garoonka diyaaradaha Booley ee tagta qasriga uu ka deganaan jiray magaalada.
Dadweynaha oo ay qaarkood ilmeynayeen ayaa waxa ay in badan oo ayaga ay siteen sawirada raisalwasaare Zenawi taasoo muujinayso sida ay uga xumaadeen geeridiisa inkastoo ay jiraan kooxo badan oo ku kacsanaa raisalwasaaraha kuna farxay geeridiisa.
Wararka aan ka helayno caasimada Itoobiya ee Addis ababa ayaa sheegaya in raisalwasaare Zenawi uu u geeriyooday xanuun xaga maskaxda ah oo ay wax ka qaban waayeen dhaqaatiirta dalka Beljimka.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com