Raisalwasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Meles Zenawi oo dhawaan geeriyooday ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Addis ababa, caasimada dalka Itoobiya.
Laba todobaad ayaa kasoo wareegatay geerida Meles ayada oo ay dhawaanahaanba iskasoo daba dhacayeen tacsiyada loo dirayay iyo dadka kusoo qul qulayay magaalada Addis ababa si ay u macsalaameeyaan Atto Meles Zenawi.
Madax sare iyo marti kale ayaa labadii cisho ee ugu dambeysay soo gaarayay magaalada Addis ababa si ay uga qayb galaan aaska maanta loogu sameynayo halkaas.
Meles Zenawi ayaa xanuun aan weli la shaacin noociisa ugu geeriyooday dalka Biljimka ayada oo ay horay kooxaha mucaaradka dalka Itoobiya u shaaciyeen inuu geeriyooday inkastoo ay dowlada Itoobiya dhawaan un shaaca ka qaaday geeridiisa.
Hada waxaa toos u socda khudbadaha ay jeedinayaan madaxda caalamka gaar ahaan kuwa dalalka Afrika ayada oo ay madax badani goob joog ku yihiin fagaaraha Meskel Square.
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid ah madaxda goob jooga ka ah aaska raisalwasaare Meles Zenawi.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com