Sunday, May 19th, 2013

” Meesha dad baa kataliya ayaa la igu yiri, sidiibaa la iisoo qoor gamay” Suldaan Soomaaliyeed oo sheegay in xoog lagagasoo saaray shirka odayaasha dhaqanka Soomaalida ee Muqdisho ka socda.

Suldaan Fiqi Sayid Suldaan oo kamid ah salaadiinta Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya shirka oday dhaqameedyada Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen masuuliyiin sar sare oo dowlada KMG katirsan kahorjoogsi lagu sameeyay inuu ka qaybgalo shirka odayaasha isaga oo sheegay in markii hore lagu casuumay shirka isaga oo goobta shirka ku sugana xoog loogasoo saaray.

” Rag xildhibaano ah oo beeshayda ah ayaa igu yiri, suldaan haddii qalinka kugusoo wareego ma anagaad nasoo qoreysaa mise rag kale, waxaana ku iri arintaas wadatashi ayay u baahantahay” ayuu yiri suldaan Fiqi oo sheegay in gorgortan xoogan uu ka socdo magaalada Muqdisho sheegayna in odayaasha dhaqanka haddii sida la rabo laga waayo kuwo kale lala imaanayo.

Suldaan Fiqi waxa uu sheegay in xoog lagagasoo saaray goobta shirka uu ka socdo isaga oo sidoo kalena sheegay in lagu xadgudbay maqaamkiisii ka oday dhaqameed ahaan.

” Meesha dadbaa kataliya ayaa la igu yiri, waana la isoo qoor gamay oo ciidamo boolis ah ayaana meesha igasoo saaray” sidaas waxaa yiri suldaan Fiqi Sayid suldaan, suldaanka beesha Tuni ee Digil iyo Mirifle kaasoo ka digay in oday dhaqameedyo fara badan ay arintaas oo kale kusoo fool leedahay hadaanan wax laga qaban.

Suldaan Fiqi ayaa waxa uu maalintii koowaad ka qaybgalay shirka odayaasha balse waxa uu sheegay in habeenkii markii uu cashada usoo baxay ciidamo boolis ah ay xoog meesha ugasoo saareen.

Dhawaanahaanba waxaa soo baxayay cabashooyin ay wadeen qaar kamid ah salaadiinta Soomaaliyeed oo sheegay in laga tegay rag kalena lasoo qortay si danaha laga leeyahay looga gaaro ayada oo arintaasna inta badan eedeeda loo saarinayo masuuliyiinta sare ee dowlada KMG Soomaaliya kuwaasoo ku dadaalayo xiligaan inay awooda dib ugusoo noqdaan ama ugu yaraan helaan rag ayaga ay wax u meerin karaan oo baarlamaanka soo gala si danahooda ugu gaaraan.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


3 Responses to ” Meesha dad baa kataliya ayaa la igu yiri, sidiibaa la iisoo qoor gamay” Suldaan Soomaaliyeed oo sheegay in xoog lagagasoo saaray shirka odayaasha dhaqanka Soomaalida ee Muqdisho ka socda.

  1. geesi says:

    asc wrwb siin salaami dhamaan dadka daneeyaaw qadyida DM salaan ka bacda nasiib dara waay in suldaan faqi oo ka mid ah beelaha digil iyo mirifle hoog la hanka saara albaabka masuuliyiinta reer DM may baa inka baaqee in iyoo kacaan oo garab istaagaan suldaanka

  2. suldaan says:

    salaan kadib waa arin aad u fool xun in suldaan dhaqan ah sharaftiisa lagu tunto hadii sidaas ku socoto dhamaan dhaqanka waxaa uu noqonaayaa mid suuqa laga soo qabsado oo lagu daneeysto kadibna la eryo taas waxey horseedeysaa fashil ku yimaado hanaanka tubta nabada waxaan dhamaan dhaqanka soomaaliyeed ku boorinayaa iney ka damqadaan gefka lagu sameeyey suldaanka iyaga ka tirsan mahad sanidiin

  3. ciroole says:

    asc. yaan la qaladamin, saldanada beesha tunni shangamaas kama muuqda welina ogolaansho lama soo siin, suldaanka runta ah waa suldaan xassan suldaan cumar suldaan faqi oo muddo shan shano kala shaqeynayey salaadiinta Digil iyo mirifle iyo xildhibaanado kadib markii uu geeriyodaday aabahiis suldaan cumar. Faqi waa shaqsi ku adeegta dolarka asaga oo is mooday in uu yahay suldaan, wuxu caadeystay in uu sheegto magac suldaan uu xaq u lahayn kaas uu rabo in uu xoog u sheegto ina adeerkiisa oo aan tolkiisana raali kaga ahayn.

Leave a Reply