Wednesday, June 19th, 2013

Maxkamada dembiyada dagaalka oo waaran u jartay madaxweynihii hore ee Ivory coast.

Maxkamada dembiyada dagaalka caalamiga ee magaalada Hague ayaa waxa ay waaran u jartay madaxweynihii hore ee dalka Ivory coast Laurant Gbagbo.

Qareenka madaxweyne Gbagbo Lucie Bourthumieux oo ku sugan dalka Faransiiska ayaa sheegtay ayaa sheegtay in amarkii lagusoo xiri lahaa Mr. Gbagbo uu kasoo baxay maxkamada ICCda balse waxa ay sheegtay inaysan la socon xiliga lagu wareejinay maxkamada Laurant Gbagbo oo hada ku xiran dalka Ivory coast.

Madaxweyne Gbagbo ayaa waxaa dagaal ku qabtay oo xiray bishii April ee sanadan ciidamo u daacad ahaa madaxweynaha hada talada haya Al-Xasan Watara oo ay dagaalo ku dhex mareen dalka Ivory coast kadib markii doorashooyin dalkaas ka dhacay uu ku guuleystay madaxweyne Watara balse uu diidan Laurant Gbagbo.

Dagaalo bilo socday iyo qalalaasihii ka dambeeyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Ivory coast ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 3000 qof ayada oo ay sidoo kalena ku barakaceen ilaa iyo hal milyan oo qof.

Maxkamada dembiyada dagaalka ee magaalada Hague ayaa la sheegaa inay inta badan u jarto waaran madaxda Afrikaanka ah iyo weliba kuwa Carabta ayada oo inta badan ka war wareegto madaxda dalalka reer galbeedka taasoo ka dhigtay maxkamada mid ay dad badani cambaareeyaan kuna sheegaan inay tahay tu u adeegta dad iyo dano gaar ah.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply