Sunday, May 19th, 2013

Maxkamad ku taala Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay muwaadin Yemen u dhashay.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ayaa waxa ay dil toogasho ah ku xukuntay muwaadin u dhashay dalka Yemen kaasoo lagusoo eedeeyay inuu hub iyo walxaha qarxa soo gelinayay deegaanada Puntland.

Saalax Cafiifii oo 50 jir ah ayaa lagusoo eedeeyay inuu soo geliyay deegaanada Puntland dooni siday bistoolado, budada laga sameeyo waxlxaha qarxa, madaafiicda garbaha laga rido iyo hub kale isaga oo doonta kasoo kaxeeyay deegaanka Mukala ee dalka Yemen.

Dacwad oogaha Maxkamada ayaa sheegay in dambiga ninkan ku cad yahay, isla markaana Ciidamada Badda Puntland ay gacanta ku soo dhigeen ninkan u dhashay dalka Yemen.

Dhawaan ayay ahayd markii ay ciidamada badda maamulka Puntland gacanta kusoo dhigeen dooni siday hub fara badan taasoo ay dadka deegaanka Qandala soo war geliyeen maamulka gobolka Bari iyo ciidamada badda Puntland.

Deegaanada Puntland gaar ahaan buuraha Galgala ayaa waxaa ku sugan boqolaal dagaalyahano Alshabaab ka tirsan kuwaasoo daacad u ah wadaadka da’da yar ee Sheekh Maxamed Saciid Atam kuwaasoo dagaal hubeysan kula jiro ciidamada maamulka Puntland.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply