Ayada oo ay maanta soo yeertay in raisalwasaare loo magacaabay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii dambena ay beenowday ayaa ay shabakada warbaahinta baidoa media waxa ay soo ogaatay xogaha ku saabsan cida ay u badantahay in loo magacaabo xilka raisalwasaaraha Soomaaliya.
Ilo ka ag dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo nin lagu magacaabo Saacid oo kasoo wada jeedo beesha Daarood/Mareexaan midkood ay u badantahay in laga dhigo raisalwasaaraha Soomaaliya.
Haddii uu rumoobo warka ah in labada shaqsi ee isku beesha kasoo jeeda midkood ay u badantahay in loo magacaabo xilka raisalwasaaraha Soomaaliya ayaa meesha ka saarayo rabitaankii iyo damacii siyaasiyiinta Puntland kasoo jeeda gaar ahaan kuwa beesha Majeerteen ee ku aadanayd qabashada xilka raisalwasaaraha balse la arki doonee cida loo magacaabo raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Wariyaha baidoamedia ee magaalada Baydhabo ayaa waxa uu isna soo sheegayaa inay dadka magaalada isku hambalyeynayeen markii ay maqleen in Farmaajo loo magacaabay raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya inkastoo markii dambe warkaas uu beenoobay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com