Hailemariam Desalegn waa raisalwasaaraha cusub ee dalka Itoobiya waxaana loo dhaariyay xilkaas maalintii shalay ahayd, waxa uu sidoo kale noqday gudoomiyaha ururka talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF.
Hailemariam Desalegn waxa uu kasoo jeedaa gobolka shucuubta koonfureed ee Itoobiya waana khabiilka tirada yar ee Wolayta, waa 47 sano jir haysto diinta Kirishtaanka qaybteeda Prostestant halka Itoobiya ay dadka badankiis aaminsanyihiin ama haystaan Orthodox waxa uu mudo shan sano ah soo ahaa madaxweynaha kilinka ama gobolka shucuubta koonfureed.
Raisalwasaaraha cusub ayaa balan qaaday inuu ku shaqayn doono dariiqii uu jeexay raisalwasaarihii geeriyooday ee Meles Zenawi isaga oo sheegay inaanu marnaba ka leexan doonin wadadii Meles.
Dhanka kale, kuxigeenkiisa ayaa loo magacaabay wasiirkii hore ee waxbarashada Itoobiya, siyaasiga lagu magacaabo Demeke Mekonnen kaasoo dhalasho ahaan kasoo jeedo khabiilka Amxaarada oo ka dhigan 15% dadka Itoobiyaanka oo tiradooda lagu sheego 84 milyan.
Demeke Mekonnen waa Muslim waxa uuna katirsanaa sidoo kale xisbiga EPRDF waxa uu sidoo kale noqday gudoomiye kuxigeenka xisbigaas.
Labada siyaasi ee loo kala dhiibay jagooyinkaas ayaa dadka reer Itoobiya fajaciso ku noqotay ayada oo khabiilka Oromada oo ah khabiilka ugu badan Itoobiya laga soomi yay awooda dalka Itoobiya.
Dadka falanqeeya siyaasada dalka Itoobiya iyo kooxda xasaradaha caalamkaba ICG waxay qabaan inay khabiilka Tigreeda ee uu ka dhashay Meles jagada ugu dhiibteen shaqsiyaadkaan si ay waxay doonaan uga sameystaan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com