LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Maxaa ugu wacan in dadka Koonfurgalbeed markasta dhexdooda la isku mashquuliyo?

Tan iyo burburkii dowladdi dhexe ee Somalia 1991, waxaa aad u muuqday in inta badan siyaasiyiinta ka soo jeeda deeganada Koonfurta Somalia aysan marbana fahmin siyaasadda deegaamadooda iyo tan arimaha guud ee dalka Somalia .

Dhibaatooyin farabadan oo ay soo mareen dadka reer Koonfurgalbeed mudaddii u dhaxeysay 1991 ilaa iyo waqtigan aan joogno 2013, waxaad moodaa in la anan weli siyaasiyiin , aqoonyahano, culumaaudiin, ganacsato iyo dhalinyaro leh fikrado meel dheer ku saleeysan taas oo badbaadinkaarto dadkooda noqday dhib u jooga. Labo sano oo nabad ah waxaa ku xigto afrsano oo burbur ah. Taas oo keentay dib u dhac dhinac kasto. , qiyaas ahaa, (2-4) = – 2, Markaa 22 sano ee burburkii jirey waxey la macno tahay 12 kamid ah, inaan ku jirney dib udhac .

Tan ugu darana waxey tahay in lagu guul dhareystey in la helo hogaamiyeyaal wadaniyiiin ah oo kala garan karo waxa danta gaarka ay leeyihiin iyo tan deegaanadooda iyo tan Somaalida ka dhaxeyso. Waxaanse jiray xubno farakurtris ah, oo runtii dadaal muujiyey laakiin arintu ay ku dhamaatey, “Far Sheleethiyee fool ma dhigaasa”

Dhinca kale, sidaan la socono, mudaddii burburka, wadanka waxaa soo marey dowladdo badan oo kumeelgaar ah, laakiiin dowladda ugu dambeysan ee Somalida u dhalatey 10 August 2012, waxaad moodaa in wax badan uu mugdi ku jiro mustaqbalka dadka koonfur galbeed. Tusaale ahaan:

1. Inta badan masuuliyiinta ku jira dowladda Somalia ee Koonfurgalbeed oo aanan u muuqan kuwo wax u qabanaayo dadkooda

2. Dhamaan wax yaabaha ku qoran dastuurka sida Lahjadda Maayga, oo si bareer ah laga mamuuucey warbaahinta dalka. Iyo masuuliyiiinta dowladda ay iyagana iskooda iskaga mamnuuceen iney ku hadlaan afkii aayooow.

3. In ay u muuqato in la doonayo in qas iyo buuq joogto ah laga dhex abuuro dadka walaalaha ah, iyadoo la isu adeegsanayo marwalbo dhexdooda.

4. Aniga waxey ila tahey, In Wasiiradda iyo xildhibaanda ku jira dowlada ee ka soo jeeda deeganada Koonfurgalbeed uusan ka dhaxeeynin wada shaqeyn fiican, qaarkoodna shaqo ay ka dhigtaan viagra soft keliya in shirar loogo yeero ama tirada lagu buuxsado marka wafdi meel safar u socdo.

5. Maxaa Baydhabo loogu hor bilaabey in maamulka laga bedolo, si kasto oo dadka qaar aysan ku qanacsaneen maamulka hadda jira. Waxaase adag in dadka ay markasto ku qancaan, oo isku raacaan maamul aan dhisano, sababo dano gaar ah awgeed.

6. Wadashaqeynta u dhaxeysa Gudoomiyaasha Gobolada ee Koonfurgabeed ee hadda dhisan iyo kuwa Godoomiyeyaasha Gobolada iyo degmooyinka qaarkood, oo inta badan aysan laheyn wada shaqeyn fiican, ama aysan fahamsaneyn, macnaha wada shaqeynta. Taas loo baahanyahey, in wax laga qabto. Wada shaqeynta waa furaha ay umaddi horumar ku gaari karto. Tan waa khibrad aan arintan u leeyahey ama aan u soo joogey mudo badan.

Tan kale, hadaan ujeedada qoraalkeyga guda galo, waxaa maalmahan ka socotay Baydhabo in la dhiso maamulka Goboleedka Koonfur galbeed ee Somalia, taas oo siyaasiyiin, iyo odayaal kasoo jeeda Koonfur galbeed ay ku mashquulsanaayeen. Arintaan oo runtii dad badan oo kasoo jeeda dagaanka ay si aad ah arinta indhaha ugu hayeen ayna aad u daneynayeen.

Hase yeshee waxaa la yaab leh, in mar qura arintaas la aamusiyey kaddib, markii dadka deeganka lagu mashquuliyey in ay dhexdooda cadka yar ee Baidhabo yaala, lagu mashquuliyo, ama xataa u dhowaatey in lagu dagaalamo, si aysan uga fakarin in Maamulka Koonfurgalbeed hore usocdo. Taas oo rajadii dadka ay qabeen in Maamul Koonfur galbeed la dhiso, iska dhaafee, Maamulka Baidoa uu faraha ka baxayo!

Aniga waxaan qabaa isbedel waa wax wanaagsan, laakiin, wax kasto waa in lagu saleeyaa, feejignaan, wadatashi, si uu u yaraado khilaaf soo noqnoqdo.

Wadanka kheyraadkiisa iyo jagooyinka waa badan yihiin, maxaa gudoomiye gobol iyo degmo uun loogu mashquulsanyahey, aaway, Agaasimayaashii, Safiiiradii, madaxdii ciidadama, jagooyinka kale ee dowladda maxaa dowladda loogula xisaabtami waayey?. War markasto, maxaad gadaal ugu socotaan, oo socodbaradka aad ugu bixi la’dihiin. Labo jir maxaa loo dhaafi la’yahay?

War dowladda Muqdishu joogta ka raadiya jagooyin iyo wax kale, ee Baydhabo yaaan la indha tirin, ee isha keliya ee dadka Koonfurgalbeed ay hadda wax ka sugaayaan yaan dhibaato laga bilaabin markasto.

Waxaan talo kusoo jeedinaya:

1. In dhamaan Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle, odayaasha dhaqanka, Dhalinyarada iyo dhamaan waxgaradka iyo inta ay arintaan khuseyso ay ka feejignaadaan hagardaamooyinka iyo qaska lagu wado.

2. In la helo siyaasad hore loogu socdo ee aan markasto gadaal u socodka laga xoroobo.

3. In wadashaqeynta ka dhaxeyso maammulada gobolada iyo degmooyinka la hormariyo.

4. In la muujiyaa dulqaad iyo tanaasul, ayadoo la fiirinaayo maslaxadda dadka tabarta daran ee 22 sano kusoo dhex jirey qax iyo rafaad.

5. In siyaasiyiinta dowladda ee deegaanka Koonfurgaleeb ay dowladda la yeeshaan xisaabtan buuxda oo ku saabsan jagooyinka dowladda, sida Safiirada, agaasimayasha guud, agaasimayaash waaxyaha iyo taliyaasha ciidamada.

6. In Odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta dowladda ay hore u mariyaan dhismaha Maamul goboleedka Koonfurgaalbeed, lana sii wado wadatashiga iy xiriirka dhamaan dadka deegaanaka deggan.

7. In aqoonyahanka Koonfurgalbeed ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo kuwa dibadda ay yeeshaan wada sheqeyn, si loo caawiyo maamuladda hadda dhisan iyo dhamaan bulshadeena.

 

Qoraaga Maqaalkan:

 Abdulkadir Abukar Sheikh

Gudoomiyaha Uruka Somali Arlaadi

Sweden,

Email: aasheikh@live.com


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID