TVga qaranka dalka Sweden oo lagu magacaabo SVT ayaa waxa uu dabagal ku sameeyay imaamyada maasjida dalka Sweden iyo weliba sida ay u hawlgalaan ururada Islaamka ee ka dhisan wadanka Sweden.
TVga ayaa waxa uu u adeegsaday laba gabdhood oo ay mid tahay Muslim halka tan kalena ay mar dhow ka baxday diinta Islaamka kuwaasoo indhaha soo xirtay xijaabyana soo qaatay si ay usoo basaasaan imaamyada iyo xarumaha Islaamka ee dalka Sweden, qayb kamid ah barnaamish lagu magacaabo Uppdrag granskning ama dabagalka waxqabadka kaasoo ah barnaamishka ugu caansan TVga SVT oo inta badan lagusoo qaato waxyaabaha jiro iyo weliba arimi xiiso leh.
Gabdhaha ayaa waxa ay kusoo qarsadeen niqaabka ama indhashareerka kaamirad qarsoon taasoo ay kaga duubayeen muuqaalada iyo codadka dhamaan imaamyadii ay la kulmeen oo ku kala sugnaa ilaa iyo toban masaajid iyo xarumo ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah ee dalka Sweden, gaar ahaan magaalooyinka waa weyn qaarkood.
Mid kamid ah gabdhaha ayaa waxa ay iska dhigaysay inuu ninkeeda naago kale la guursaday, garaaco mararka qaar islamarkaasna uu ayada oo aan raali ka ahayn galmo weydiisto, hadaba gabdhaha ayaa waxa ay weydiinayeen imaamyada su’aalo ay kamidyihiin, ninku hal naag ka badan ma guursan karaa? Ninku naagtiisa ma garaaci karaa? Naagtu ninkeeda booliska maku dacweyn kartaa haddii uu u gacan qaado ama garaaco? iyo weliba ninku ma garaaci karaa naagtiisa?
Hadaba maxay ku jawaabeen imaamyadii?
Labada gabdhood ayaa waxa ay tageen masaajido ku kala yaalo magaalooyinka Stockholm gaar ahaan masaajidka ugu weyn magaaladaas, Masaajid ku yaalo magaalada Göteborg, ama Gothenburg, Malmö, Örebro iyo Uppsala.
Imaamka masaajidka ugu weyn ee magaalada Stockholm Maxamuud Aadan, ayaa ugu jawaabay gabdhaha inay banaantahay ninka inuu guursado afar xaas, naagtiisana xiliguu doono uu u galmoon karo islamarkaasna aanay haboonayn inay naagtu booliska ku dacweyso ninkkeeda xitaa haddii uu u gacan qaado.
Sidoo kale imaamka magaalada Örebro Cabdulqaadir Salaad oo Soomaali ah ayaa waxa uu ugu jawaabay si lamid ah sidii uu ugu jawaabay imaamka magaalada Stockholm oo Carab ah.
Roland Vishkurti oo katirsan imaamyada magaalada Malmö islamarkaasna ay gabdhuhu ku gaareen xili uu kasoo baxayay xafiiskiisa ayaa ay waxa ay mid kamid ah gabdhihii weydiisay bal waxa ay sameyn karto maadaama uu ninkeedu la guursaday naag kale marka haddii ay la hadashana uu garaacayo dadka deriska ah ee Swedishka ahna ay ku dhahaan markastaba booliska wac, muxuuse ku jawaabay imaamkaasina, ” Waa inaadan wicin booliska haddii kale waxaa imanayo dhib weyn, waxaad tihiin dad Muslim ah, carruurta ayay idinka qaadan karaan, haa, Swedishka waa dhaqankooda in booliska la waco, balse ha sameynin taas, imaamyo kalena weydii”
La soco qaybta 2aad ee dhacdadaan layaabka leh ee ku dhacday imaamyada dalka Sweden oo baaritaan aan caadi ahayn lagu sameeyay, qaybta kale ee barnaamishkaan waxaa soo galaya, Soomaali isku kala tilmaamayso inay ayaga Islaamka saxda ah ku dhaqmaan kuwa kalena ay qaldanyihiin.
Waxaa turjumay baidoamedia.com.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com