Tuesday, May 21st, 2013

Masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya oo shirkii Addis ababa kadib u kala jiheystay dalal ku yaalo qaarada Afrika.

How To Get Someone Back That Doesnt Want You http://baidoamedia.com/wp-content/uploads/2011/10/emblem-300×229.jpg” alt=”" width=”300″ height=”229″ />Kadib markii uu soo idlaaday shirkii Addis ababa, ayaa waxa ay masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya waxa ay u kala amba baxeen dalalka Koonfur Afrika, Jabuuti iyo Kenya.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya oo uu weheliyo gudoomiyihii baarlamaanka bur buray ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin kale ayaa waxa ay qabteen dhanka dalka Kenya ayaga oo ugasii gudbay dalka Koonfur Afrika halkaasoo si diiran loogusoo dhaweeyay.

Wefdi uu horkacayo madaxweyne Shariif ayaa waxaa si weyn loogusoo dhaweeyay magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika ayada oo halkaas uu madaxweynaha iyo wefdigiisu kula kulmeen masuuliyiinta dalka Koonfur Afrika, qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka hawlgabka ah ee Soomaaliya oo ku sugan halkaas iyo weliba jaaliyadda Soomaalida dalka Koonfur Afrika qaar kamid ah.

Dhanka kale raisalwasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi la socdo ayaa u amba baxay lagunasoo dhaweeyay dalka Jabuuti.

Raisalwasaaraha ayaa waxa uu hogaaminayaa wefdi wasiiro ah oo katirsan xukuumadiisa iyo weliba masuuliyiin kale oo katirsan dowlada KMG Soomaaliya.

Inta uu ku suganyahay magaalada Jabuuti ayuu kula kulmi doonaa halkaas madaxda dowlada Jabuuti iyo diblomaasiyiinta dalalka kale ee caalamka kaga sugan halkaas.

Safarada masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya ee ay ku kala joogaan dalalka Koonfur Afrika iyo Jabuuti ayaa waxa ay kusoo aadayaan xili ay dagaalo ka dhacayaan inta u dhexayso Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply