Wednesday, May 22nd, 2013

Masuuliyiin, xildhibaano iyo waxgarad kasoo horjeestay xadgudub loo geystay Malaaqa beesha Yantaar.

Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka hadda shaqeynaya ayaa qoraal cabasho ah oo ay u gudbiyeen Madaxweynaha, R/wasaaraha & Guddoomiyaha baarlamaanka u soo jeediyey in la saxo qaladaad dhinaca soo xulida ergooyinka beesha Yantaar uga qeybgalaya ansixinta dastuurka, waxaana cabashada xubnahaasi lagu xusay in shaqsi suuqa laga soo qabtay, lagu buuxiyey xilkii malaaqnimada beesha Yantaar oo uu xaqa u lahaa Malaaq C/kariim Ibraahim Ebroo.

“Waan la soconaa cidda arrintaasi ka dambeysay, waxaan leenahay isku xishooda, oo meel ha kaga dhicina taariikhda & dhaqanka beesha Yantaar, Guddoomiyaha baarlamaanka waxaan ka codsaneynaa inuu arrintaasi soo farageliyo sida ugu dhaqsiyaha badanna wax uga qabto” ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Xaaji Xuseen Cali Saalax , wuxuuna intaa ku daray in dulmiga lagu sameeyey beeshaasi aaney u dulqaadan doonin xildhibaanada & wasiirada beelaha Digil & Mirifle.

“Dadku waa is yaqaan, ma ahan arrin caadi ah in qof caadi ah lagu fadhiisiyo kursigu uusan xaq u lahey, tiiyoo uu taagan yahay shaqsi si dimuqoraadi ah ay beeshaasi malaaq ugu soo duubatay, mana aha wax ka dhacay” ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Xaaji Xuseen.

Dhaleeceyn loo jeediyey malaaq gacan ku rimis ah oo beesha Yantaar kaga qeybgalaya shirka ansixinta dastuurka & baaq loo jeediyey Madaxweynaha, Guddoomiyaha baarlamaanka & R/wasaaraha

Waxgarardka, aqoonyahanadda, odayaasha dhaqanka, haweenka, qurba-joogta & qeybaha kala duwan ee bulshadda beelaha Yantaar ayaa cambaareyn kulul u jeediyey tacadi loo geystay sharafta & karaamada beesha Yantaar oo ka tirsan beelaha waaweyn ee Digil & Mirifle, kadib markii malaaqii beeshaasi oo magaalada Muqdisho ku sugan lagu buuxiyey kursigiisii xubin suuqa laga soo kaxeeyey oo beeshaasi ka soo jeeda, laguna magacaabo C/rashiid Sheekh C/salaan, waxaana waxgaradka beeshaasi ay sheegeen in dhaawac uu ku noqonayo falkaasi taariikhda dhinaca dhaqanka ee ay beesha Yantaar ku soo caano-maashay qarni ilaa qarni.

“Waxey nagu noqotay la yaab & amakaak in malaaqii beesha Yantaar Malaaq C/kariin Ibraahim Ebroo, oo ah malaaqii ay beesha yantaar duubatay kadib geeridii malaaq Xassan Cali Qatar banaanka la dhigo, kursigiisiina uu ku fadhiisto malaaq gacan ku rimis” ayuu yiri Guddoomiyaha ururka SARAPO Max’ed Xassan Idiris oo ka mid ah qurba-joogta beesha, wuxuuna tilmaamay in wax kasta oo dulmi lagu jideeyo ay cawaaqibtoodu lagu qasaaro.

“Malaaqa beesha Yantaar Malaaq C/kariin Ibraahim Ebroo ma ahan nin la garan waayey, waana shaqsi macruuf ah, madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka & r/wasaaraha xukuumadda waxaan u soo jeedineynaa in aysan arrintaasi ku kadsoomin oo ay ka fiirsadaan” ayuu yiri Idiris.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Masuuliyiin, xildhibaano iyo waxgarad kasoo horjeestay xadgudub loo geystay Malaaqa beesha Yantaar.

  1. manuur ahmed says:

    asc marka hore walaliyaal waxaa hubaal ah mudane malaaq c/kariim ibrahin inuu yahay ugaaska beesha Yantaar wana us00 rabay mudo dhaayr

Leave a Reply