Magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa mar kale duqeyn xaga bada ah u geystay markab dagaal kaasoo magaalada ku garaacay dhowr madfac.
Dagaalyahano katirsan Xarakada Alshabaab oo gacanta ku hayso magaalada Kismaayo ayaa duqeynta markabaka kaga jawaabay madaafiicda lidka diyaaradaha iyo madaafiicda garbaha laga gano.
Weli lama oga inta ay gaar siisantahay qasaaraha ka dhashay duqeynta maanta loo geystay magaalada Kismaayo.
Dhawaan ayay ahayd markii uu markab dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya duqeyn daran u geystay magaalada Kismaayo ayada oo ay ka dhasheen qasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba ah dad rayid ah oo carruur u badan.
Magaalada ayaa waxaa ka jiro cabsi xoogan oo ay qabaan dadka magaalada ku dhaqan.
Magaalada Kismaayo ayaa mudaba waxaa duqeymo u geysanayay diyaarado iyo maraakiib ay leeyihiin ciidamada Kenya kuwaasoo aan hadana magaalada ku dhicin inay gudaha u galaan amaba kusoo dhawaadaan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com