Ayadoo bani’aadamku dhasho isagoo xor ah oo ilaahey karaameeyey , ayaa marka ay dunidu kusoo biiraan go’aansada in ay xornimadooda xoojiyaan iyo in ay noqdaan kuwo lumiya aboodaasi iyo waxyaabihii u horseedi lahaa xoriyadooda, karaamadooda, sharfkooda iyo hormarinta naftooda iyo bulshadooda .
Hadaba iydoo sidaa ay tahay ayaa waxaan u kuur galey bulsha weynta soomaaliyeed ee ku dhaqan ama degan koonfurta gaar ahaan lixda gobol (REER ARLAADI) hab dhaqankooda nolaleed ,bulshadeed iyo kan siyaasadeed , waxaa iisoo baxdey in dib udhac xoogan oo dhan walba ah ay heysato .
Marka waxaan is weydiineynaa maxaa dib noo dhigey ? yaa sababey ? side looga baxaa? Yaa uhorseedi kara bulshadaan iney midowdo, hormarna ay higsato?
Hadaba walaalayaal inta aan su’aalahaas ka jawaabin ayaa waxaan rabaa in aan wax yer isdul taago dhinacyada dib udhaca xoogan kajiro.
I. Bulshada kudhaqan gobolada aan soo sheegey (REER ARLAADI ) waa bulsho la hardameysa nolasha asaasiga ah oo ay kamidtahay in ay helaan biyo kufilan iyo cuno iskaba daaye in ay ku fikiraan hormar iyo in ay la tartamaan bulshooyinka kale ee laderiska ah , waliba iyagoo ilaahey ku maneystey dhulkii barwaaqada iyo wax soo saarka lahaa , hadana waa dadka ugu nugul uguna dhibaatada badan marka ay abaaruhu ka dhacaan soomaaliya, arintaas oo sabab u ah qorsha xumo iyo ayadoo la aamin saneen in lagu baahi beelo tacabka iyo wax soosaarka ilaahey ku deeqey dhulkaas , waxaana intaas wehliya shirqoolada iyo hor istaagida hay’adaha gergaar kusheega ah oo ay ku soo began deeq kusheegooda xiliga dalaga u soo go’ayo si ay u hor istaagaan tacabka iyo wax soo saarka dadkuna ay iyaga magan u ahaadaan, taas oo ay keentey in tacabka hoos u dhaco.
II. Bulsho kasta oo bulshooyinka caalamka kunool kamid ah waxaa hormariya magic iyo maamuus ukeena waa dadka intooda waxbaratey iyo waxgard kooda rag iyo dumar intaba , hadaba dib udhaca ragaadiyey bulshada soomaaliyeed oo kudhaqan deegaanada ARLAADI wuxuu saameeyey dhinac walba oo arimaha bulshada ah sida waxbarashada , caafimadka , luqada , iyo hidaha iyo dhaqanka iyo guud ahaan hab dhaqanka bulshada deegaanadaas oo eedeedu dusha u ridaneyso dowladihii is bebedeley iyo waxgaradkii horjoogey bulshadaasi xiliyadii aan kasoo gudubney .
Dhinaca waxbarashada
waxaa marag madoonto ah in ay tahay waxbarashdu deegaanadaas ARLAADI mid liidata tayo ahaan iyo tiro ahaanba , dugsiyada waxbarashada tiradoodu ma dhaaf siisna guud ahaan sodomeeyo heerarka kala duwan ee wxbarashada , degmooyinka qaar maba lahan wax dugsi waxbarasho ah jaamacadna warkeeda daa magic ahaan kama badna 2 am 3 jaamacad , kuwaasina magic mooyee muuqeeda lama hayo , halka tusaalo ahaan gobolka TOG DHEER oo kamidah gobolada waqooyi uu leeyahay 215 dugsi wax barasho heerar kala duwn ah iyo in ku dhow 10 jaamacadood waa sanadka 2010 kii .
dhinaca caafimaadka
faafimaadku shey asaasi ah oo nooluhu u baahan yahay, hadaba majiraan isbitaalo iyo rugo caafimaad oo dabooli kara baahida caafimaad ee ka jirta goboladaas tiro ahaan iyo tayo ahaan.
Dhinaca luqada
Luqadu waa waxyaabaha ilaaliya jiritaanka bulsho kasta, hadaba luqada looga hadlo deegaanadaas ma hormar sana , wax qoraal rasmi ah oo la isku raacsan yahay oo si kama dambees ah loo faafiyey majiraan , marka laga reebo dadalo ay sameeyeen aqoonyahano is xil qaamey oo qaarba ay wax soo bandhigeen , sidoo kale wxaa aad u yer ama jirinba qalabka war baahinta sida radio iyo tv taas oo ka qeeb qaadan laheyd hor marinta iyo baahinta luqada .
Hidaha iyo dhaqanka
Hidaha iyo dhaqanka suuban ee bulshada deegaanadaas kasoo jeeda ay leeyihiin ayaa ah kuwo aan waxbadan laga aqoon, ayadoo aan ogsoonahay in aan leenahay hido iyo dhaqan suuban oo hodan ah sida: habka guurka ,habka daminta colaadaha maslaxeynta beelaha , maamulka waraha , habka iskaashiga beeraleyda iyo xoola leyda , habka barbaarta ciyaarta, heesaha iyo gabayada munaasabadaha lagu soo bandhigo iyo kuwo kale oo tira badan oo aan halkaan ku soo koobi Karin, ayadoo sidaa ay tahay hadana wax aqoon ah looma lahan, xitaa qaar kamid ah bulshada magaala jooga ah ee kasoo jeeda deegaanadaas waxey xaga aqoonta hidaha iyo dhaqankooda ay kala mid yihiin soomaalida kale .
Hadaba walaalayaal dib udhacaan soo jireenka ah wuxuu horseedi karaa in aad noqotid muwaadin soomaaliyeed oo heerka labaad ah iyo in ay ku doodaan arintaas dadka awalba kasoo horjeedey hormarkaaga, aadna noqoto mid si sinaan ah wax ula qeebsada , kuuna arka in aad tahay dadka laga tirada badanyahay dhul ahaan iyo dad ahaanba reegaay waxey tiri “jingka koongfur kiing bii adii ingnakaati”.
Dhanka siyaasada
Marka laga hadlayo siyaasad waa marka ay jiraan deegaan iyo bulsho ku dhaqan deegaankaas waxaa ceeb iyo wax laga xumaada ah dad sheegta in ay leeyihiin dhulka midka ugu wanaagsan dhinaca wax soosarka beeraha ,daaqa,badda iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah hadana ay yihiin kuwa ugu muuqaal iyo nasiib yer ka qeeb galka siyaasada tusaalo ahaan .
Marka laga soo tago xubnaha baarlamaanka iyo golaha wasiirada wax xuquuq ah oo kale kuma lahan wixii loogarto mooyee , hadii aan sii faah faaahiyo xafiiska madaxweynaha dowlada fedraalka soomaaliya waxaa kashaqeysa shaqaalo kor udhaafaya 200 qof laga bilaabo aqaasimaha madaxtooyda ,ilaalad, shaqaalaha Ilaa cunta karyaha laga gaaro lagama helayo ddka REER ARLAADI wax kabadan 5 qof oo weliba heer hoosa ah.
Xafiiska ra’isulwasaaraha tiro aan kayareen ama lamid ah mida madaxweynaha ayaduna lagama helayo wax kabadan 5 qof oo heer hoosa ah .
Xiliga shariif waxaa jirey 43 aqaasime guud , dadka reer arlaadi wexey ku lahaayeen 3 agaasime guud oo midkooda dacwo ku socotey .
Dadka kashaqeeya diblimaasiyada safaaradaha dibada ay ku leedahay dowlada fedraalka soomaaliya guud ahaan waxey gaarayaan ku dhawaad 200 diblamaasiyiin iyo shaqaale , dadka reer arlaadi waxey kuleeyihiin 12 qof .
Saraakiisha ciidamada afarta taliyayaasha ugu sareeya (xooga dalka,nabadsugida,booliiska iyo asluubta) marka laga reebo wax door hogaamiineed ah kuma lahan REER ARLAADI hogaamada ciidanka , waxa intaa sii dheer dalacsiinta saraakiisha heer walbo leh wax latilmaami karo majiraan , halka soomaalida kale ay isku rareen.
Hdaba walaalayaal sow halkaan kama muuqato in bulshada lixda gobol gaar ahaan REER ARLAADI in ay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah , hadii aan afka laga dhihin sow dhaqanka sidaas ma muujinaayo. Waxey ilatahay jawaabtu iney tahay haa, maxaa heley cadaaladii ? yaa kafaa’idaya dulmiga iyo sed bursiga , waxey ilatahay cidna , waxeyba keeni kartaa qaran burbur sidii horeyba u dhacdey.
marka aan arimahaas kor ku soo xusey aan dib ujaleecno wxay jawaabubu noqonayaan waxaa dib noodhigey dowladihii kala dambeeyey iygoo kaashanaya dad wata magaca bulshada REER ARLAADI , waxaa kaloo kaqeeb qaatey xiliga burburkii siyaasi aan siyaasada aqoon ulaheyn , daacadnimaduna ay ka fogtahay , daneysta duli dibjir ah , oo duleeyey dad iyo deegaan , duugey sharafkooda , kudaneystay magacooda ,duud siiyey xaqooda, dariiqana kaga tagey ,dagaal sokeeyana geliyey, damiir laawe ah , weli u dagaalamayaa sidii u duban laahaa inta hartey , oo ku kala daadsan dacalada soomaaliya , daa’im ilaahayow adigaan kadaaleyn dabargoynta daalumka , duleeyey umadaan dayacan , dariiqyadana daadsan , daa’im alow dulka kabixi , digaandigna kadhig , digadooda aan la arkin daa’im alow aamiin.
Hadaba walaalayaal badbaadinta bulshadeena iyo sara uqaadida sharaf kooda , hormarinta deegaanadooda waxey waajib kasaaran tahay dhamaan bulshada , gaar ahaan dadka wax bartey iyo waxgaradka rag iyo dumar intaba , si arintaas loo xaqiijiyo waa in lahelaa arimaha soo socda:
Gabagabdii iyo gunaanadkii waxaa hubaala ah deegaan kasta iyo bulsha kasta oo hormarey waxaa hormarinaya bulshadeeda, sidaasi si lamid ah bulasho ama deegaan dib udhaceyna waxaa u sabab ah bulshadeeda gaar ahaan inta markaasi hey hogaanka siyaasadeed iyo midka dhaqameed.
Sidaa darted waxaa waajib nagu ah dhamaanteena shacab,aqoon yahan iyo siyaasi anagoo isku duuban inaan u istaagno danta deegaanadeena kana difaacno kuwa lamaagan dhibaateynta deegaanka.
halku dhigeenu waa:
“DUMIYA DERBIGA DIB UDHACA, DHISA DERBIGA HORMARKA”
Mahadsanidiin
Cabdulaahi Bakistaan.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com