Manchester City oo ku guuleysatay koobka Premier League mar kale 44 sano kadib.
May 14, 2012 - Written by admin - Edited byadmin

Manchester City ayaa noqotay horyaalka Ingariiska markii ugu horeysay tan iyo 1968dii iyagoo 5 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray kaga badiyay 3-2 QPR oo marti ku aheyd Etihad Stadium.
Edin Dzeko ayaa barbareeyay ciyaarta daqiiqadii labaad ee waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ka hor inta uusan Sergio Aguero dhalinin goolkii horyaalka gacanta u geliyay Manchester daqiiqadii 2 2aad ee dheeriga aheyd
Tartanka horyaalka ee xilli ciyaareedkan ayaa la dhihi karaa waa kii ugu xamaasada badnaa inta la xasuusto tartanka horyaalka Ingariiska, waxaana taageerayaasha City ay farxad darteed uyeen garoonka markii ay ciyaarta dhamaatay.Sergio Aguero ayaa noqday halyeey ay kooxda xusi doonto, isagoo shan daqiiqo gudaheed taageerayaasha Manchester City ugu bedelay farxad ay sugayeen 44 sanno
Waa maalin taariikh u leh City, waana maalin ka sheekeyn u ah taariikhda Premier League iyadoo daqiiqado gudaheed ay isku bedeleen wax walba qofkasta manta waxaa mesha ku dhacay waa wax riyo ah ayuu ku tilmaneen aduunka oo dhan.
Aadan Xasan Maxamed.
Baidoa media, Amsterdam, Holland.
Like this:
Like Loading...
Nagala Soo Xiriir
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com