Friday, May 24th, 2013

Man City Oo Ku Soo Laabatay Hogaanka EPL Ka Dib Markii Etihad Stadium Ku Dubteen Man United.

Manchester City ayaa talaabo horumar leh u qaaday hanashada horyaalka Ingariiska markii ugu horeysay muddo ka badan 40 sannadood ka dib markii ay hal gool iyo waxba ku dubteen kooxda Man United oo ay hogaanka kaga qabteen farqiga goolasha iyadoo labo kulan ay horyaalka ka harsan tahay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku bilbaatay jawi dardar leh, iyadoo labada kooxoodba ay soo bandhigeen baahida ay u qabaan inay guul gaaraan kulankaan, lakiin Manchester City ayaa inta badan kubada heysatay qeybtii hore ee ciyaarta gaar ahaan qeybihii ugu danbeeyay qeybtii hore ee ciyaarta.

Waxaana weerar badan ka dib ay heleen hogaan ay u qalmeen dhamaadkii qeybtii hore ee  ciyaarta ka dib markii kooner uu soo qaaday David Silva uu madaxa shabaqa kula hubsaday kabtanka kooxda City Vincent Kompany, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay iyadoo City ay 1-0 ku hogaamineyso.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ka sii kululaatay sidii qeybtii hore iyadoo labada kooxoodba ay raadinayeen fursadii ay u baahaanyeen, waxaana bartamihii qeybta labaad ay ciyaarta noqotay mid awood ku dhisan, waxaana uu garsooraha bixinayay kaarar jaale ah.

Iyadoo sidoo kale ay isku dhaceen tababare Sir Alex Ferguson iyo Roberto Mancini oo uu kala qabtay garsooraha afaraad ka dib markii De Jong kaarka jaalaha la siiyay.

Dhamaadkii ciyaarta City ayaa cadaadis saareysay United si ay u helaan goolkii ciyaarta hurdada u diri lahaa, iyadoo Aguero iyo Nasri ay fursado ka qasaariyeen.

Lakiin City ayaa ku dhameysatay natiijadii ay u baahnaayeen waxaana haatan horyaalka uu ku jiraa gacmahooda waa hadii ay badiyeen labada kulan ee ay u hartay. Waxaana ay qarka u saaran yihiin in markii ugu horeysay loo caleemo saaro koobka Premier League.

Man City ayaa la ciyaari doonta Newcastle kulanka soo socda, halka United ay la ciyaari doonto Swansea City. Waxana kulanka ugu danbeeya horyaalka ay City la ciyaari doontaa QPR iyo halka United ay la ciyaari doonto Sunderland.

Sky Blue ayaa guul taariikhi ah ku gaartay garoonkeeda Etihad Stadium waana kulan aysan ilaawi doonin sannado badan oo soo socda.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply