Monday, May 20th, 2013

Maleeshiyaad Alshabaab ah oo xalay ay ku dileen ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya magaalada Muqdisho.

Laba kamid ah maleeshiyooyinka Xarakada Alshabaab ayaa xalay waxaa dilay ciidamada nabadsugida ee dowlada KMG Soomaaliya kadib markii ay labadaas maleeshiyo oo ku hubeysnaa bistoolado dil ugu geysteen nawaaxiga masaajidka Xareed qof rayid ah sidoo kalena dhaawac usoo geysteen askari kamid ah ciidamada nabadsugida iyo tifaftirihii idaacada Simba ee magaalada Muqdisho.

Nimanka ay ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ayaa markaas kadib waxa ay ku toogteen labada maleeshiyo ee Shabaabka ahaa isgoyska Blacksea ee magaalada Muqdisho.

Falka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee maleeshiyooyin Shabaab ah oo wax soo dilay ayagana la dilay ayaa waxa uu noqonayaa mid ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed ayada oo inta badan la maqli jiray in maleeshiyooyinka dilka geysta gaar ahaan kuwa bistooladaha ku hubeysan ay ka baxsadeen goobta ay falka dilka ah ku geysteen.

Mudooyinkii ugu dambeeyayba waxaa ka socday magaalada Muqdisho hawlo lagu adkeynayo amaanka guud ee gobolka Banaadir.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply