Friday, May 24th, 2013

Malaayiin Xujey ah oo u dareertay Banka Carafo maanta. (Sawiro)

Maanta oo ah maalinta sagaalaadka lOo yaqaano ayay malaayiin xujey Muslimiin ah waxa ay u dareereen Banka Carafo ayaga oo kasoo dhaqaaqay Minna.

Inta badan Muslimiinta dunida ayaa ayana sooman maanta ayada oo ay xujeyduna gudanayaan maanta rugniga ugu muhiimsan ee xajka ayada oo ay Carafo tahay sagaal ayaa ay ku beegantahay maalintii la kaamilay Quraanka Kariimka.

Waxaa sanadkaan kamid ah malaayiinta xujeyda ah kumanaan Soomaali ah oo ka kala yimid dalka Soomaaliya, dalalka la deriska ah sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti iyo weliba dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurub, Afrikada kale iyo Asia.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sanadkaan adeegyo casri ah kusoo kordhisay Xajka ayada oo meel kastana ay taaganyihiin gawaarida gurmadka deg dega si ay ugu gurmadaan xujeyda haday wax dhacaan.

Maalinta berito oo Jimce ah ayaa waxa ay tahay maalinta Ciidul Adxaha oo ay Muslimiintu inta awooda xoola qashaan ayada oo ay wada farasxanyihiina is mar xabeeyaan.

Iskusoo wada duube, sanadkaan ayaa u muuqdo inuu yahay mid ka duwan sanadihii hore marka loo eego adeegyada dheeriga ah isla markaasna casriga ah ee lagusoo kordhiyay Xajka.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply