Thursday, June 20th, 2013

Malaasheeyiyaad Alshabaab ah oo iskusoo dhiibay ciidamada dowlada ee ku sugan Wanla weyn.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan degmada Wanla weyn ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas maanta uu maamulka degmada Wanla weyn kusoo bandhigay maleeshiyooyin ay tiradoodu gaarayso 18 kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Alshabaab.

Gudoomiyaha degmada Wanla weyn ee dowlada Soomaaliya oo ka hadlay goobta lagusoo bandhigay ragga ka tirsanaa Alshabaab ayaa sheegay in qaar kamid ah maleeshiyooyinkaas ay kusoo qab qabteen howlagalo ka dhacay gudaha degmada Wanla weyn halka qaarna ay ayaga oo hubkooda wata iskusoo dhiibeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Wanla weyn waxa uu ugu baaqay dagaalyahanada Alshabaab ka tirsanaa ee weli ku dhuumaaleysanayo gudaha degmada Wanla weyn inay iskusoo dhiibaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay ee ay ciidamo horay uga tirsanaa Alshabaab ay ikusoo dhiibaan ciidamada dowlada ee ku sugan degmada Wanla weyn tan iyo markii ay dhawaan la wareegeen gacan ku haynta magaaladaas ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM.

Alshabaab ayaan weli ka hadlin dagaalyahanada ayaga ka tirsanada ee maanta lagusoo bandhigay gudaha degmada Wanla weyn.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply