Suldaan Warsame Suldaan IbraahimCaliyow Ibrow oo ah gudoomiyaha malaaqyada iyo salaadiinta Digil iyo Mirifle ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu isaga oo ku hadlaya magaca salaadiinta iyo malaaqyada Digil iyo Mirifle iyo kiisaba tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan beel weynta Digil iyo Mirifle geeridii ku timid, Xaaji malaaq Mukhtaar, malaaqii beesha Leysaan oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Baydhabo laguna aasay halkaas.
Suldaan Warsame ayaa waxa uu samir iyo iimaan u rajeynayaa inuu Illaah ka siiyo intii uu malaaqa ka geeriyooday isagana janadii Fardowso ahayd ka waraabsho.
Dhanka kale, suldaan Warsame waxa uu ku sifeeyay malaaq Mukhtaar inuu ahaa qof ku weynaa beel weynta Digil iyo Mirifle kanasoo qayb qaatay arimaha nabadgelyada iyo dhaqanka intii uu ahaa malaaqa malaaqyada Digil iyo Mirifle iyo xiliyadii dambe oo uu cimri ahaa malaaqa.
Malaaq Xaaji Mukhtaar oo ahaa aabihii Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar ayaa waxa uu ahaa shaqsi ku weynaa dadka dega gobolada Koonfurgalbeed Soomaaliya isaga oo in badana kasoo qayb qaatay arimaha nabad ku wada noolaanshaha dadyowga dega inta u dhexaysa labada webi ee Soomaaliya.
Baidoa media, Muqdisho.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
Arreey kan wuxuu ka mid yahay Salaadiinta Bugta ahaa ee Xariif Sakiin sameystey kkkk kkkkk kkkkkkk.
Ma wuxuu doonayaa inuu sidaas ku sharciyesto Suldaan nimada kkkk kkkk kkkkk.
Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi raajicuun Allaha u naxariisto Malaaq Muqtaar waxa uu ahaa shaqsi qiimo weyn ku leh D&M dhexdooda iyo guud ahaan Somali weyn waxaan ALLENA ugu baryeynaa inuu janadii ka waraabiyo Amiin.
Aden Ibrahin ninka isku magacaabayan waxaan le nahay Suldanka ha u gafin Magacna maskiin maka aha waana la yaqaanaa waxa uu yahay waana Suldan qiimo weyn noogu fadhiyo hadaan nahay D&M waxa kaliya ee sidaas u hadla ee Suldan Warsame Suldan Ibrahim Suldan Caliyow Suldan Ibrow Suldan Talasow ku tilmaamo Bug waa shaqsi anan aheyn D&M amaba u shaqeya shisheeye ee waa shaqsi qiimo weyn aktena ku leh dhamantena waxeynu og nahay waxa uugalo iyo inta uu u qabtay Qowmiyada D&M ee afka sameyso hadaad ka mid tahayna shaqsiyaadkii kursiga Barlamaka waayayna waxan u maleynayaa in ay kaa keentay Ciil iyo Caro ee waa nasiib daro in aad isku qaladay qadiyada iyo rabitankaaga. ????????
Adeer ninkaa bug wax ma dhaamo waa laaluush qaate haddana munaafiq ah, waa ninkii kabaha u wadey shariif sakiin intaan shafka dulka loo darin, Shaley inuu leysaan iyo Sakiin ku caayo Minnesota, markii shariif sakiin jeebka u buuxiyeyna dabadhilif noqdo. Digil iyo Mirifle waa ka garaadsadeen sheekadaas, sidii shariif sakiin loo galey ayaa adiga ku sugeysa, iska daa inaad DM u hadashee, Jiido ayaaba wadada kuugu soo jirta. Nasiib aad leedahay Minnesota iska soo aad, laakiin Qoryooley ma u maleynaayo inaad Jiido aan Ugaas u ahay lagaa maqli doono. Ugaas ku sheegaan waa gubtey kaarkiisa. qabiil iyo qurun ayaa ku jira ninkaan. qof aqli badan ayuu isu maleeyey, odayaal reer baadiye ayuu af english ku horowsanaayey. Walaahi haddii aad munaafiq mashaqeen Warsame Ibrow waa munaafiq. ninkii dood ka qabana emailkayga kore igala soo xiriira anaa waxuu xamar ka hayey idiin haayee.