Thursday, June 20th, 2013

Malaaq Cabdiraxmaan Tubeey oo geeriyooday.

Allaha u naxariistee, waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday malaaq Xaaji Cabdiraxmaan Tubeey oo ahaa malaaqa beesha Leysaan.

Malaaq Cabdiraxmaan Tubeey ayaa waxaa lagusoo waramayaa inuu yara xanuunsanaa mudooyinkan balse xanuun weyn aanu lahayn.

Allaha u naxariistee malaaq xaaji Cabdiraxmaan Tubeey waxa uu sidoo kale kamid ahaa ganacsatada magaalada Baydhabo isaga oo ahaana shaqsi si weyn looga yaqaanay magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Bay.

Geerida malaaq Cabdiraxmaan Tubeey ayaa kusoo aaday xili sidoo kalena uu ku geeriyooday isla magaalada Nairobi gudoomiyihii hore ee baarlamaankii ugu horeeyay ee uu yeeshay dalka Soomaaliya Allaha u naxariistee Sheekh Mukhtaar.

Dhamaan hawlwadeenada iyo maamulka shabakada warbaahinta baidoamedia.com waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii iyo ehelkii uu ka geeriyooday malaaqa isagana waxa ay Eebe SWT uga baryayaan inuu Janadii Fardowso ahayd ka waraabiyo, Aamiin Aamiin Aamiin.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply