Wararka ka imaanaya isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaasi dhaawac culus ugu geeriyooday majaajiliistaha weyne ee Soomaaliyeed Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) kaasoo ay kooxo hubeysani rasaas kula dhaceen xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaala degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Kooxaha dilka u geystay Allaha u naxariistee majaajiliiste Marshaale ayaa tiradooda lagu sheegay sadex ayaga oo ku hubeysnaa bistoolado isla markaasna rasaas kala dhacay madaxa iyo gacmaha.
Allaha u naxariistee majaajiliiste Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) ayaa waxa uu caan ku ahaa sheekooyinka TVyada Soomaalida loo sameeyo idaacadaha isaga oo si weyn loogu xasuusto sheekadii Qoomamo ee ka bixi jirtay idaacada Shabeelle ee magaalada Muqdisho.
Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) ayaa waayadaan dambe ka tirsanaa hobolada qaranka ee Waaberi isaga oo ka qayb qaatay riwaayado ka dhan ahaa Xarakada Alshabaab si weyna ugasoo muuqan jiray barnaamishyada dowlada KMG Soomaaliya ay soo abaabusho.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com