Sunday, May 19th, 2013

Majaajilihiistaha weyn ee Ajakis oo u tahriibay dalka Suudaan.

Majaajilihiistaha weyn ee dalka Soomaliya caanka ka ahaa  Cabdi Muriidi Dheere oo loo yaqaano Ajakis oo mudooyinkii ugu dambeeyayba ku sugnaa magaalada Hargeysa kadib markii saaxiibkiis Marshaale lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa mar qura laga waayay magaalada Hargeysa.

Ajakis ayaa laga war helay isaga oo ku sugan magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Suudaan ayada oo aan la ogeyn halka uu kusii jeedo.

Majaajiliistaha caanka ah ee Ajakis ayaa waxa uu ahaa mid ay majaajiladiisa dadka Soomaaliyeed aad u jecelyihiin balse amaandarida ka jirto caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ku kaliftay inuu iskaga haajiro dalka Soomaaliya.

Dhawaanahaanba waxaa ka socday magaalada Muqdisho dilalka ka dhanka ah fanaaniinta, wariyayaasha iyo bulshada inteeda kale ee wx galka ah ayada oo ay dalka iskaga carareen fanaaniin iyo wariyayaal fara badan kuwaasoo ku kala sugan dalalka Soomaaliya la deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya iyo weliba dalalka kale ee caalamka.

Waxaa nasiib dara ah in dalka Soomaaliya ay maanta iskaga baxsanayaan intii kusii hartay ee waxgaradka ahayd ayada oo dhawaan la doortay madaxweyne cusub dalkana uu ka baxay kumeelgaarnimadii.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply