Wednesday, June 19th, 2013

Magacyada Soomaali ku dhimatay dagaalada Suuriya.

Ayada oo ay weli socdaan dagaaladii u dhexeeyay ciidanka dowlada Suuriya iyo kuwa mucaaradka dalkaasi ayaa waxaa soo shaac baxaya inay ilaa iyo sadex ruux oo Soomaali ah inay ku dhinteen dagaalada ka socda dalka Suuriya gaar ahaan caasimada Dimishiq.

Sadexdaan ruux ayaa waxa ay dhexda u galeen dagaalada u dhexeeya kooxaha mucaaradka iyo kuwa dowlada Suuriya ayada oo weli lagusoo waramayo in qaarkood meydkoodu uu weli yaalo goobtii ay ku dhinteen.

Magacyada muwaaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday dagaalada ka socda magaalada Dimishiq ayaa waxa ay kala yihiin Cabdulqaadir, Abuukar Soomow iyo Maxamed Cumar ayada oo uu odayga lagu magacaabo Abuukar Soomowe weli yaalo meydkiisu meel u dhexeyso labada ciidan ee iskasoo hor jeeda.

Sidoo kale shan ruux oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacantay dagaalka Suuriya ayada oo weli la la’yahay qoys Soomaaliyeed oo ka koobnaa 9 ilaa 10 ruux.

Soomaalida qaxootiga ku ah dalalka Carbeed ayaa waxa ay inta badan la kulmaan tacadiyo iyo dhibaatooyin loo geysto ayada oo aysan haysan meelo kale oo ay kaga baxsadaan dagaalada maadaama ay markii horeba qaxootinimo ku joogeen dalalkaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply