Thursday, May 23rd, 2013

Magacyada qaar kamid ah wasiirada cusub oo la helay.( Aqriso)

Ayada oo aan weli si rasmi ah loo shaacin golaha cusub ee wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya in la helay qaar kamid ah magacyada, xilalka iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan ilaa dhowr wasiir.

Wasiirada magacyadooda la helay ayaa waxa ay u badanyihii sida lasoo sheegayo kuwo ay si aad ah iskugu dhow yihiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Tirada wasiirada ayaa aad loo yareeyay taasoo ahayd dalabaad ka yimid dhanka madaxweynaha ayada oo ay weli ka socdaan madaxtooyada magaalada Muqdisho shirar ku aadan ku dhawaaqista golaha cusub ee wasiirada.

Wasiirada ilaa iyo hada magacyadooda sida hoose lagu helay ayaa waxa ay kala yihiin.

Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan (Dir/Isaaq)

-Prof Axmed Maxamed Wehliye Xiji. Wasiirka Qorsheynta, Beeraha, deegaanka iyo Kaluumeysiga (Hawiye/Xawaadle)

-Faarax Sheekh C/qaadir Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare (Reer Awxasan)

-Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Muuse Xasan Cabdulle (Daarood/Absame/Ogaadeen), waxaa uu ahaa Gudoomiyihii KMG ee Baarlamaanka

-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed (Hawiye/H.gidir/Sacad)

Tirada la yareeyay ee wasiirada ayaa waxaa muran xoogan ka keenay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed iyo weliba xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo laga yaabo inay is hor taagaan ansixinta iyo meel marinta xukuumada cusub.

 

Lasoco wixii kusoo kordha.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply