Gudiga soo xulista ergooyinka ansaxinta dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya ayaa maanta sheegay inay 18 bishaan oo ah maalinta beri ah ku dhawaaqayaan magacyada ergada ansaxinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu maanta Muqdisho ku qabtay guddoomiyaha gudiga farsamada ergooyinka ansaxineysa dastuurka iyo soo xulusta baarlamanka cusub oo uu dalka yeelanayo C/llaahi Xiireey ayaa sheegay in ay meel gaba gabo ah marayaan soo gudbinta magacyada 135 ka Oday dhaqameed ayna shaacina doonaa maalinta berito ah.
Sidoo kale gudoomiyaha gudiga farsamada ergooyinka ansaxinta dastuurka cusub ayaa sheegay ina lasoo dhameystiri doono 30 ilaa iyo 31 bishaan lasoo dhameystiri doono soo xulista baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya uu yeelanayo isaga oo sheegay in laga heshiiyay waxyaabihii laysku haystay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com