Magaalada Taleex oo ah halka lagu aas aasay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo ayaa waxaa laga hirgeliyay gegi diyaaradeed oo ay yeelato magaalada.
Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa lagu furay garoonka diyaaradaha magaalada Taleex oo loogu magacdaray halyeey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Axmed Cilmi Cismaan oo kamid ah xubnaha madaxtooyada maamulka Khaatumo ayaa waxa uu qayb ka ahaa xafladii lagu furayay garoonka ayada oo lagu dhawaaqay inuu garoonku hawlihiisa bilaabi karo.
Xaflada ayaanan lagu sheegin qaab dhismeedka garoonka iyo bal inuu yahay mid ay diyaaradaha waa weyn soo caga dhigan karaan.
Maamulka Khaatumo oo dhawaan ay aqoonsatay dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu kamidyahay maamulada Soomaaliyeed ee ka dhismaya gobolada dalka.
Garoonka laga furay magaalada Taleex ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka degmada ku dhaqan iyo deegaanada kale ee hoos yimaada.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com