Saturday, May 25th, 2013

Magaalada Laascaanood oo uu qarax ka dhacay. (Faah faahin)

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka dhacay qarax lala eegtay guriga uu ka deganyahay magaaladaas taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Sool ee maamulka Somaliland.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal ruux ayada oo uu bur bur soo gaaray guriga taliyaha oo qaraxa lala beegsaday.

Ciidamada amaanka magaalada Laas caanood ayaa waxa ay soo buux dhaafiyeen guriga taliyaha nabadsugida gobolka Sool ee uu qaraxu ka dhacay.

Maalintii shalay ahayd ayaa magaalada Laas caanood 3 ruux lasoo taagay maxkamada degmadaas kuwaasoo loo haysto dilkii taliyihii hore ee nabadsugida Somaliland ee gobolka Sool.

Mudooyinkii ugu dambeeyayba waxaa ka dhacayay magaalada Laas caanood weeraro lala eeganayay masuuliyiinta gobolka Sool ee maamulka Somaliland kuwaasoo qaarkood la dilay.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply