Magaalada Baydhabo ayaa waxaa tan iyo shalay ka socda howlgal lagu bur burinayo dhamaan dhismayaasha sharci darada ah ee ku yaala wadooyinka hareerahooda.
Dhismayaasha la bur burinayo ayaa u badan maqaayadaha buushashka ka sameysan ee laga shaaho iyo dhismayaasha ganacsiga yar yar ee bakhaarada hortooda ka sameysan.
Waxaa sidoo kale wadooyinka laga nadiifinayaa waratada meelaha aan haboonayn soo dhigta alaabahooda ganacsi ayada oo ay howshaasina wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Howlgalka maanta dhismayaasha lagu bur burinayo ayaa waxaa sidoo kale ka dhex muuqda masuuliyiinta ugu sareyso maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo sida gudoomiyaha gobolka Bay Cabdifitaax Aadan Geeseey iyo Xasan Macalin Biikole.
Maalintii Jimcaha ahayd ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhacay magaalada Baydhabo qarax xoogan oo ay dad ku dhinteen kuwana ku dhaawacmeen kaasoo la sheegay in rimoot koontaroolkii bamka lagu hagayay lagasoo dhex isticmaalay maqaayad nooca buushka ah.
Ganacsatada laga raray meelihii ay ku ganacsan jireen ayaa waxaa kamid ah khudaarlayda magaalada Baydhabo kuwaasoo hada dib ugusoo laabtay suuqa loo yaqaano Firshada kaasoo markii hore ahaa suuqa khudaarta magaalada Baydhabo.
Xafiiska warqabadka baidoamedia.com ee
Baydhabo Janaay.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com