Madoowe Nuunow Maxamed oo ay horay ugu magacaabeen xildhibaanada baarlamaanka qaarkood gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu kasoo horjeestay islamarkaasna uu dhaliilay go’aanadii kasoo baxay shirkii ka dhacay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.
Madoowe Nuunow waxa uu sheegay in shirka ka dhacay Addis ababa uu ahaa mid u gaar ah shaqsiyaadkii watay Road Mapka oo uu sheegay in ayaga la heshiisiinayay Soomaali weyna ay meesheeda taagantahay.
Isaga oo u waramayay idaacada BBCda laanteeda afka Soomaaliya ayuu sheegay Madoowe Nuunow in sharcigii la hareer maray waxa kasoo baxay Addis ababana aysan ahayn wax Soomaalida u cuntamayo.
Mar la weydiiyay bal inaysan isaga iyo kooxda ku fikirka ahi ka cabsanayn in tallaabo laga qaado maadaama ay beesha caalamku sheegtay in tallaabo laga qaadayo cidii kasoo horjeesato go’aanadii kasoo baxay shirka Addis ababa ayuu sheegay inay sharcidaro tahay arintaas islamarkaasna la jebinayo qodob kamid ah qodobada ku qoran dastuurka Soomaaliya oo ah xoriyatul qawlka.
Go’aanada kasoo baxay shirkii Addis ababa ka dhacay ayaa waxaa kamid ahaa in dalka uu wareegto ku maamulayo madaxweyne Shariif ayada oo aanu jirin wax baarlamaan ah taasoo ka dhigayso Shariif Xasan mid aan wax xil ah ka dhex haynin dowlada KMG Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
Walaal Nuunow waxaan waxba lagaa warsan doonin ha ka hadlin, yaa kuu joojinaya haddaad hor-istaagto iyo haddii ad iy iyo haddii aad taagertaba mid wax lagaa weydiinaayo malaha, shalay markii walaalkaa ( Sharif Xassan )lagugu dirayey damiirkaada xaguu jiray, miyaad aragtay somalida kale nin walaalkiis lagu boojeynayo, taasi waa damiir-xumida dadkeena, waxaad wax ku noqon lahayd Sharif xassan oo wax ah somaali waxay tirahdaa gurbaan galanta kiin ka jiroy ama gacalka kiin haayooy.
WAANU KUGU TAAGHEERSANAXAY SOOMAALIYA SOOMAALI BAA IKA LEH