Thursday, May 23rd, 2013

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo cambaareeyay hadalka kasoo yeeray wasiirka arimaha dibada Kenya.(Sawiro)

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay eedeyntii uu u soo jeediyay wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya kaas oo ku eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Hotel Jaziira.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu dhaleeceeyay hadalkii ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibada dalka Kenya kaas oo sheegay in Madaxweynihii hore uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Jaziira halkaas oo uu ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay waqtii uu dhacayay qaraxa in dalka Mas’uuliyad ay ka saarneyd sidaas daraadeedna Hotelkii uu qaraxa ka dhacay ka soo kaxeeyay Madaxweynaha.

Madaxweynihii hore ee dowladii kumeel gaarka aheyd ayaa u mahad celiyay qaar ka mid ah xildhibaanada ku jiro baarlamanka Kenya kuwaas oo ka dhiidhiyay eedeynta loo soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shalay ayeyd aheyd markii wasiirka arrimaha dibada dalka Kenya uu Sheekh Shariif ku eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxii lala eegtay hotel uu shir uga socday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo mas’uuliyiin ka socotay dowladda Kenya oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply